Saturday, June 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay madaxda Jaamacadaha Muqdisho{SAWIRRO}

May 18, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Muqdisho,18 May 2015-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hormuudyadda Jamaacadaha dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Madaxweynaha oo kulanka ugu yeeray madaxda Jaamacadaha ayaa marka hore uga mahad-celiyey , ugana warbixiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna ka codsaday inay tallooyin ka siiyaan xaaladda dalka gaar ahaan Amniga, Xasilinta Siyaasadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Madaxda jamacadaha oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyey tallooyin ku aadan soo jeedinta Madaxweyaha islamar-kaana Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu talladda dalka uga qeyb gelinayo aqoonyahanadda iyo guud ahaanba bulshadda iyaga oo sheegay in kulankaan uu yahaykii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed la qaato hormuudyadda Jmaacadaha gaarka loo leeyahay.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday in dhammaan jamaacaduhu sameeyaan qeyb Tababarka mihnadaha, si loo soo saaro xirfadleey dib u dhiska dalka ka qeyb qaadata iyada oo ay arrinkaasi ka aqbaleen hormuudyadda Jmaacadaha ee uu kulanka la qaatay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu helo waxbarasho heer wanaagsan, dowladduna ay ka shaqeyn doonto in la helo siyaasad qeexan oo ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in la joogteeyn doono lana ballaarin doono kulamada Madaxweynaha iyo Hormuudyadda Jamaacadaha dalka oo dhan.

                                DHAMAAD 

4 1 2

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho 18-05-2015

Next Post

Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay

Next Post

Ololaha talaalka ka hortaga UGUS oo galabta furmay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....