Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dastuurka oo ururada bulshada Jubbaland kala hadlay dib u eegista dastuurka-Sawirro

July 24, 2017
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka dib-u-eegista dastuurka la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, culumada, haweenka, dhaqanka, iyo dhalinyarada Jubbaland.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay kulanka wadatashiga ee Kismaayo ka dhacay in uu ahaa tallaabo horey loogu qaaday xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Jubbaland.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Runtii farxad wayn bay noo tahay in aan maanta kulan wadatashi ah ku qabano Kismaayo, waxa aan u nimid in aan ra’yigiina dhageeysano; Waa tallaabo kale oo ay Wasaardda horey u qaaday si aan wadashaqayn joogta ah u la yeelanno dawlad goboleedka Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wasiir Cabdi Xoosh isago oo ka hadlayay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Micanaha Dastuurka waa heshiis bulsho, sidaa awgeed waxa aan donaynaa in aan bulshada rabitaankooda ku hogaaminno Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka ee sanadkan ka bilaabmi doona dalka”.

Dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa talooyinkooda ku saabsanaa Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuuka la wadaagay Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ballanqaaday in kulamada wadatashiga ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada dawlad goboleedyada.

SONNA NEWS

ShareTweetShare
Previous Post

Ciidamada Amaanka oo saaka fashiliyey Qarax Miino

Next Post

Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus

Next Post

Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....