Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afar Beelood oo maanta heshiis ku wada saxiixday Dhuusa Mareeb

March 16, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ka socda magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay heshiis ay wada gaaraan Afar Beelood oo kamid ah Beelaha shirka ka qeybgalayay iyagoo ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeyay si nabad iyo walaaltinimo ah ku wada noolaadaan.

Maxamed Nuur Diini oo kamid ah waxgaradka shirka ka qeybgalaya oo warbaahinta u akhriyay qodobadii ay ku heshiiyeen Beelahan ayaa yiri :

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

1. In aysan wax Colaad ah hadda na dhex oolin.

2. In wixii shakhsiyaad kala tabanayaan loo xil saaro odayaasha.

3. labadan Beelood anagoo lamid ah waxaan diyaar u nahay in aan la heshiino dhamaan Beelaha.

Waxgaradka labada dhinac oo madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay heshiiska ay maanta labo labo Beelood u wada gaaraan, waxaana dhankooda balan qaadeen in ay xoojinayaan nabad iyo deris wanaaga.

C/laahi Axmed Samatar oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo Amaanka ee maamulka gobolka Galgaduud oo goobta heshiiskan lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa sheegay in ka maamulkaan ay aad ugu faraxsan yihiin heshiisyada ay maanta labo labo u gaareen Beelaha shirka dib u heshiisiinta ka qeybgalayay isagoo dhamaan Beelaha ku booriyay in heshiis wada qaataan.

ShareTweetShare
Previous Post

Duqa degmada Beledweyne oo ganacsatada ka codsaday in ay bixiyaan canshuurta

Next Post

Harriet Mathews oo loo magacaabay Safiirka UK ee Soomaaliya

Next Post

Harriet Mathews oo loo magacaabay Safiirka UK ee Soomaaliya

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....