Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed oo barnaamijyo wacyi gelin ah ka sameeyay dalka South Africa (Sawirro)

December 12, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Adayda Soomaalida ah ee Wax ka barta Jaamacadaha Ku Yaala Dalka South africa ayaa maalmo ka mid ah todobaadkaan waxaa ay xaafadaha Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ka Sameeyeen Barnaamij Wacyi-galin oo loogu tala galay in lagu baraajiyo bulshada Soomaalida Ee Ku Nool magaalada Cape town ee Dalka South africa.

Barnaamijkan oo la kala  qabtay labo maalin ayaa inta uu socday waxaa goobaha lagu qabanayay aad u Buuxiyay Dhalinyarada Soomaalida ah ee Ka Kala Yimaada Deegaanada Tuulooyinka ah Iyo kuwa ku nool gudaha magaalada waxaana halkaasi lagu siinayay macluumaad la xariira goobaha waxbarashada iyo heerka kala duwan ee qofka u baahan yahay in uu waxbarashada ka bilaabo.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Xubno ka Mid ah Ururka Ardayda ayaa dhalinyarada baahida u qaba in ay helaan waxbarasho tayo leh ayaga oo ka Faa’ideysanaya Fursadaha Yaala Dalka Koofur africa waxaa ay diiwaan galiyeen in ka badan boqol arday oo u baahan waxabarashada nooc yadeeda kala duwan sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Abdi wahaab Haaji Faarah Oo Ka Mid ah ururka ardayda Ee Barnaamijkaan Wacyi Galinta ah qabtay.

Cabdinaasir Ali Araale Gudoomiyaha Ururka ardayda Soomaalida Ee Gobolka Westren Cape ayaa Sheegay In Muhimada Barnaamijkaan Uu Yahay in bulshada uga Faa’ideeyaan Xogta ay Heyaan ayaga oo ka faa’ideysanaya xilli fasaxeedka lagu jiro  isla markaana ay ku qaban doonaan magaalooyin fara badan.

Waa Markii u Horeysay oo Barnaamij Noocaan ah loo qabto Dhalinyarada Soomaalida Ee Aan helin fursadaha waxbarasho ee yaala dalka koofur africa waxaana ka faa’ideysan doonaa boqolaal dhalinyaro Soomaali ah .

DSC03135 DSC03137 DSC03138 DSC03139 DSC03140 DSC03142

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

C/raxman Diinaari oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug

Next Post

C/raxman Diinaari oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....