Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka hadlay wax ka badal lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha

December 20, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 20aad ee maanta waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlayay soo jeedin ay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ku aadan in wax laga badalo qodobo ka mid Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ka hor inta aan la meel marin.

Xildhibaan Cabdiqaadir oo ka mid ah mudanayaasha soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobo ka mid ah Hindise sharciyeedka ayaa xildhibaannada u sharxay qodobada ay doonayaan in wax laga badalo.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“1. Qodobka 4aad e Hindise sharciyeedka farqaddisa (A) laga saaro meesha loona dhigo sidatan:- 4(A) in uu sameeyo daraasad ku saabsan kala xulashada nidaamka ku haboon loo dhisi lahaa iyo soohdimaha dowlad goboleedyada xunbnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa ku daray Qodobka 17aad farqaddiisa 2aad in lagu sameeyo wax ka badal loo dhigo sidatan:- “Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka wuxuu u soo gudbinayaa baarlamaanka Federaalka talooyinkooda ku saabsan dhisidda iyo soohdimeynta xuduudaha dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadd Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Intaas kaddib Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa xusay in ka guddi ahaan ay wax badan ka badaleen qodobadii horey ugu qornaa Hindise sharciyeedkan Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka kahor inta aysan baarlamaanka ka hor akhrinin.

Qaar ka mid ah Xidlhibaannada ayaa taageeray soo jeedinta ah in wax ka badal lagu sameeyo qodobada qaar ee ku qoran ee Hindise sharciyeedkan, halka kuwa kalena ay ku doodeen in lagu qanco dib u habeynta ay ku sooo sameeyeen guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku amaanay hadal soo jeedinta Xildhibaannada ee ku aadan in wax laga badalo qodobada qaar, isagoo mudaneyaasha ka codsaday inay meel mariyaan hindise sharciyeedkan, maadaama uu muhiim u yahay meel marinta Nidaamka Federaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabadalla Cawad oo shir guddoominayay kalfadhigii maanta ayaa sheegay in hindise sharciyeedka cod la gelin doono maalinta berri ah, waxaana uu Xildhibaannadu ka codsaday in arrintu aysan noqon mid waqti badan qaadata, maadaama shaqooyin badan ay horyaalaan.

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....