Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka guddiga xuduudaha iyo Federaalka

December 21, 2014
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 21aad ee maanta oo ay soo xaadireen 145 mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlayay labo ajande oo kala ah meel marinta Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo dhageysiga warbixin la xiriirta dilalka Xildhibaanada oo ay mudanayashu ka dhageysteen Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Furitaanka kulanka kaddib ayuu guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Xildhibaanada u cadeeyay in wax ka badal lagu sameeyay Hindise sharciyeedka guddiga Xuduudaha iyo federaalka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Intaa kaddib ayuu guddoonka baarlamaanka ka codsaday mudaneyaasha inay cod geliyaan, waxaa ogolaatay 129 mudane, halka 13 mudane ay ka soo horjeesteen, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ansax ku noqday Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo shaqaalihii soo diyaariyay hindise sharciyeedkan.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa waxa ay gudaha galeen ajandaha labaad ee kulanka oo ah dhageysiga waxa ay hay’adda Nabad sugidda ka qabatay dilalka Xildhibaannada loogu geystay Muqdisho.

Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay bur burisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.

“Labada shabakadood ee la bur buriyay waxaa ka howlgeli jirtay 11 qof, oo sideed ka mid ah gacanta lagu hayo, halka saddexda kale ay baxsadeen oo ay ka carareen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliye Tuuryare.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabadalla Cawad aya soo xiray shirka baarlamaanka ee maanta.

ShareTweetShare
Previous Post

Gaari xamuul ah iyo hub ku rarnaa oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabad sugidda Qaranka

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....