Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

April 29, 2015
in Wararka Raadiyahaa
Reading Time: 2 mins read
0

Boqor Salman  ayaa shaqadi ka ceyriyay walaakiiisa ka yar ee ay isku hooyada yihin, kaas oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, isagoo u magacaabay wiilka uu adeerka u yahay  ee Maxamed Bin Neyef oo ah Ra’iisul wsaare ku-xigeenka dalka, Wiilkaan ayaa noqonaya dhaxal sugaha Sacuudiga.

Arrintaan ayaa lagu shaaciyay wareegto laga aqriyay TV-ga dowladda Sucuudiga.

Related posts

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 12, 2022
0

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 10, 2022
2

“Waa isbeddel aad u weyn oo taariikhi ah oo ka dhacaya dalka Sacuudiga, sababto ah tani waa markii ugu horreysay oo wiil uu awoowo u yahay aasaasaha Sacuudiga in dalka uu ka noqdo dhaxal sugaha boqortooyada, iyada oo  markii hore kaliya wiilsha uu dhalay Boqor Sacuud in ay dalka soo maamulayeen.

Boqor Salmaan ayaa  sidoo kale Wasiirka arimaha dibaddau magacaabay  Sacuud Al-Faysal oo lagu bedlay  Safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.

Khilal Jahshaan oo ah  agaasimaha  xarunta carabta ee Washington   oo la hadlay Al-jazeera  ayaa isbedelkaan ku tilmaamay mid dhul gariir siyaaseed ah.

“Tani waa jawaab muhiim ah oo uu bixiyay boqor Salmaan iyada oo dad badan ay shaki ka muujinayeen caafimaadka boqorka tan iyo markii boqorku uu awoodda la wareegay.

Adbel Aljubeer oo ahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka ayaa sidoo kale loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Faysal oo muddo dheer shaqeynayay ayaa xilka laga qaaday sababo caafimaadkiisa la xariira, waxa uuna noqon doonaa la taliyaha iyo ergayga gaarka ah ee Boqor Salman iyo kormeeraha guud ee arrimaha dibadda.

Feysal ayaa la magacaaby sanakii 1975, waxa uuna noqday wasiirkii ugu muddada dheeraa ee arrimaha dibadda ee caalamka.

Waa isbedel weyn oo uu sameeyo boqorku tan iyo markii bishii Januaray uu xilka la wareegay kaddib markii uu geeriyoooday walaalkiisa oo xilka boqortinimada hayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa loo dhariyay wasiirka arrimaha dibadda ka dib markii boqorku uu xilal kala wareejin ku sameeyay dowlddiisa, hase ahaatee dhowr ruux oo  waayo arag ah uu xilkooda u daayay.

Maxamed Bin Nayef Bin Abdulcasiis Al-sacud waxa uu dhashay 30-kii  bishii August 1959, waxa uu ahaa ku xigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha ahan wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudiga, waxaa uu hayay xilka guddomiyaha golaha siyaasadda iyo arrimaha  ammaanka.

Waxa uu safka kowaad kaga jiraa carruurta uu awoowaha u ahaa aasaasihii Sacuudiga, waana xubin ka tirsan aqalka Sacuud,  waxaana adeer u ah boqorka hadda ee boqor Salman bin Abdulazis.

Ninkaan loo magacaabay dhaxal sugaha boqotoyada Sacuudiga, waxa uu ku dhashay magaalada Jidda, waxa uuna wax ku soo bartay dalka Mareykanka, inastoo uusan dhameysan waxbrashadiisa,  waxa uu ka qeyb galay tabar FBI Mareykanku bixisay intii u dhexeysay 1985 ilaa 1988,  waxa uu qaatay tababar la xariira ka hortagga argagaxisada.

Maxamed Bin Neyef waxaa sanadkii 1999-kii loo magacaabay kaaliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudiga, xiligaas uu ahaa nin ganacsade ah,  waxaa aad loogu ammaana guulihii uu ka sameeyay ka hortagga argagaxisada.

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo laga taageeray Sweden

Next Post

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Ceelasha biyaha “SAWIRRO”

Next Post

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Ceelasha biyaha “SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....