Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Burcad Koonfur Afrikaan ah oo dilay muwaadin Soomaaliyeed

December 28, 2014
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Kooxahan burcad ah ayaa weerar ku soo qaaday goob ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku taalo magaalada Jonesburg waxaana halkaasi ay ku dileen milkiilihii goobtaas ganacsi oo lagu magacaabi jiray Nuur Xasan( Nuur Bindo) iyadoo weerarkan uu ka duwanaa weeraradii horey loogu soo qaadi jiray dadka Soomalida ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika sida uu sheegay  Cumar Jimcaale oo goob ahaa markii uu falka dilka ah uu dhacayay.

“Ragga burcad ah ayaa Dukaanka soo galay waxay qaateen alaab Dukaanka tiilay,gaarigooda ayay alaabtii saarteen waxayna rabeen in ay si bilaash ah ku qaataan ninki Dukaanka ayaa alaabtii gaariga kala soo degay waxayna ugu hanjabeen in ay dili doonaa, hanjabaada iyo dilkana wax badan um dhexeynin” ayuu yiri goobjooge  Cumar Jimcaale.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Cumar ayaa intaa ku daray in goobta ay soo gaareen Ciidanka Boliiska dalkaasi iyagoo keeneen sawiro ragga la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkan,waxaana sawiradaasi laga dhex aqoonsaday in burcadii ka dambeysay falka dilka ah.

Mid kamid ah ehelada Ninka la dilay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ka codsaday in ay dabagal ku sameeyeen Kiiskan maadaama la helay cadeymo muujinaaya kooxda dhibaatada geysatay.

Jaalliyadda Soomaaliyeed oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa dhibaatooyinka isugu jira dil,dhac iyo handadaad kala kulma kooxo abaabulan oo Koonfur Afrikaan ah, iyadoo tiro aad u yar oo kooxaha dhibaatadaasi geysta la soo qabto isla markaana maxkadda la soo istaajiyo.

ShareTweetShare
Previous Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Tottenham Hotspur iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay

Next Post

Tottenham Hotspur iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....