Thursday, August 18, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Chelsea oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Manchester United oo Laga Badiyay “SAWIRRO”

February 21, 2015
in Ciyaaraha
Reading Time: 9 mins read
0

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Burnley.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Branislav Ivanovic,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Iva gool

Related posts

Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

April 1, 2022
5
Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

July 10, 2021
4

Ivaa gool

Ivaa gooolIva cele

Iva celee

Iva celeee

Garsoorihii ciyaarta Martin Atkinson ayaa daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay ciyaaryahan Nemanja Matic oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea.
Foul 1

Foul 2Red 1

Red 2

Red 3
Ciyaaryahan Matic ayana ciyaari doonin finalka koobka Capital One oo sabtida soo socoto kooxda Chelsea garoonka Wembley kula ciyaari doonto kooxda Chelsea.

Ciyaaryahan Matic ayaa sidoo kale aan ciyaari doonin kulamada ka tirsan horyaalka ingiriiska oo ay kooxda Chelsea la kala ciyaari doonto kooxaha West Ham United iyo Southampton.

Ciyaaryahan Ben Mee ayaa daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Burnley.
Me goolMee goolMe sadMe cele
Kooxda Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga ku hogaamineyso 60-dhicood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Crystal Palace ayaa waxaa garoonkeeda Selhurst Park 1-2 uga badiyay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii sideedaad ee ciyaarta gool rigoore ahaa u dhaliyay ciyaaryahan Santi Cazorla.
San penSanti penSaan penSan celeSant cele
Ciyaaryahan Olivier Giroud ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Arsenal,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Gir goolGi goolGir celeGir celeeeGi cele
Ciyaaryahan Glenn Murray ayaa dhamaadkii ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Crystal Palace.
Murry gool
Kooxda Arsenal ayaa soo gashay kaalinta sedaxaad ee horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 48-dhibcood,halka kooxda Crystal Palace ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 27-dhibcood.

Kooxda Swansea City ayaa garoonkeeda Liberty Stadium 2-1 uga badisay kooxda Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Ander Herrera.
Andre gool

Andre gooolAndre celeeAndr cele

Andre cele
Ciyaaryahan Sung-Yueng Ki ayaa daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Swansea City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ki gool

Ki goool

Kii goolKi cele
Ciyaaryahan Jonjo Shelvey ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Swansea City.
Jonjo gool

Jonjo gooolJonjo celeeJonjo celesad
Kooxda Manchester United ayaa u dhaadhacday kaalinta afaraad ee horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Swansea City ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 37-dhibcood.

Kooxda Aston Villa ayaa waxaa garoonkeeda Villa Park 1-2 uga badiyay kooxda Stoke City.

Kooxda Aston Villa ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Scott Sinclair.
sin goolsin celesinc celeSin celee
Ciyaaryahan Mame Biram Diouf ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Stoke City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Diof goolDiof celeDoi celee
Ciyaaryahan Victor Moses ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Stoke City.
vlaarMoses penMoses celemoses celeee
Ciyaaryahan Ron Vlaar ayaa dhamaadkii ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Ston Villa.

Tababaraha cusub ee kooxda Aston Villa Tim Sherwood ayaa guul darro la kulmay kulankii ugu horeysay ee horyaalka.

Kooxda Stoke City ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 36-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

Kooxda Hull City ayaa garoonkeeda KC Stadium 2-1 uga badisay kooxda Queens Park Rangers.

Kooxda Hull City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Nikica Jelavic.
Jelavic goolJelavic cele
Garsoorihii ciyaarta Anthony Taylor ayaa daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay ciyaaryahan Joey Barton oo khadka dhexe uga ciyaarta kooxda Queens Park Rangers.
Red

Reed

ReeedJoe

Joee
Ciyaaryahan Charlie Austin ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers.
Austin goolAustin celeeeeAustin cele

Austin celeee
Ciyaaryahan Dame N’Doye ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad ee guusha u dhaliyay kooxda Hull City.
Mame goolMame cele
Kooxda Hull City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 15-aad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Queens Park Rangers ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 22-dhibcood.

ShareTweetShare
Previous Post

Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post

Kooxda Malaga oo Camp Nou uga Adkaatay Barcelona

Next Post

Kooxda Malaga oo Camp Nou uga Adkaatay Barcelona

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....