Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Oo Howlgalo iyo Tabarucaad Ay U Sameynayeen Dadka Ka Sameeyay Degmooyinka Hiliwaa Iyo Yaaqshiid

January 17, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Howlgalo ammaanka lagu sugayo ammaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa Ciidamada Hey’adda Nabad Sugida Qaranka NISA ay ka sameeyeen, iyadoo ciidamada ay baarayeen guryaha degmooyinkaasi ku yaala waxaana ciidamada dadka ay ka shakiyaan ay u baarayeen si taxadar badan.

Ciidamada NISA ayaa baarayay gawaarida isaga kala gooshaya wadooyinka degmooyinkaasi, iyadoo ciidamda safaf dhaadheer galinayay gawaaridaasi, waxaana wadooyinka gawaarida ku baarayeen ka mid ahaa isgoyska Ex-Control Balcad.
Dhinaca kale Ciidamada Hey’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa inta ay ku guda jireen howlgalkooda ay ka wadeen xaafadaha degmooyinkaasi ay ku howlanaayeen tabarucaad ay u sameynayeen qoysaska ku sugnaa xaafadahaasi ay guddoonsiiyeen tabarucaad Dhaqaalo, iyadoo sidoo kale ciidamada ay la socdeen qubaro dhanka caafimaadka oo la socday kuwaa oo baaritaano caafimaad u sameynayay qoysaska danta yar oo dawo iyo baaritaan tabarucaad ah helay.
Ciidamada NISA oo ay ka muuqatay feejignaan dheeri ah waxa mid mid ay u baarayeen guryaha ku yaala degmooyinkaasi, iyadoo xaafadaha suuqa xoolaha baaritaankaasi ay ku ekeeyeen kuwaa oo laga baarayay in ay ku jiraan hub iyo waxyaaba qarxa oo suura gal ay tahay in lagu qariyay guryahaasi waxaana howlgalkaasi ay bar bar socdeen tabarucaada dadkaasi ay u sameynayeen Ciidamada soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan xaafadahaasi.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3
ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo Cadaado lagu soo dhaweeyay “Sawirro”

Next Post

Musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo Cadaado lagu soo dhaweeyay “Sawirro”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....