Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

C/raxman Diinaari oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug

December 12, 2014
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Siyaasiga C/llaahi Nuur Maxamed  “Diinaari” ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee maamulka loo sameeyn doono gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Xaflad balaaran oo lagu shaacinayay musharaxnimada C/raxmaan Diinaari ayna ka qeybgaleen xildhibaano, mas’uuliyiin kala duwan, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha mudane C/llaahi Gaafoow oo xaflada ka hadlay ayaa ku tilmaamay C/raxmaan Diinaari inuu yahay siyaasi leh aqoon, karti iyo wadaniyad sidaasi darteedna uu ku haboonyahay qabashada xilka madaxnimada maamulka gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Xildhibaan Qanyare oo isna hadlay ayaa soo dhaweeyay musharaxnimada Diinaari isagoo ku tilmaamay inuu u qalmo qabashada xilkaasi, wuxuuna u rajeeyay in uu ku guuleeysan doono madaxnimada maamulka gobolladaasi.

C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in uu taageero buuxda ka heysto Soomaalida ku nool dalka K/Sudan, kadib markii uu si wanaagsan ula shaqeeyay xilligii uu danjiraha ka ahaa dalkaasi, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono horumarka gobolladaasi.

Diinaari ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka loo sameeyn doono gobollada Galgaduud iyo Galgaduud.

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Ardayda Soomaaliyeed oo barnaamijyo wacyi gelin ah ka sameeyay dalka South Africa (Sawirro)

Next Post

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay soo bandhigistii dhagarqabe Xasan Xanafi (Dhageyso)

Next Post

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay soo bandhigistii dhagarqabe Xasan Xanafi (Dhageyso)

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....