Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“DAAWO SAWIRRO”Arday ka badan 600 oo maanta ka qalin jebisay jaamacadda Plasma

December 25, 2014
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay sii hayayaasha wasaaradaha dhalinyarada Isboortiga,iyo wasaaardda tacliinta sare boqolaal arday ah iyo mas’uuliyiin ka socotay qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadan ayaa waxaa ku qalin jebinayay inkabadan 670 arday oo dhameysatay qeybaha kala duwan ee kulliyadaha jaamacaddasi kuwaasoo mudo baranayay qaatayna shahaadada Bachelor degree.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

munaasabadan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Ustaad Xasan Kaafi oo ah madaxweynaha Jaamacadda Plasma oo ugu horeyn ugu hambalyeeyay ardayda maanta gaaray hadafkii ay higsaneyeen isagoo xusay in jaamacadda Plasma ay diyaar u tahay haqabtirka waxbarasho ee dhalinta Soomaaliyeed si ay u tiigsadaan jiilasha la midka ah.

Agaasimaha warbaahinta Qaranka C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ku hadlay afka ardayda maanta qalin jebisay ayaa ku booriyay dhamaan ardayda Soomaaliyeed in ay waxbartaan maadaama xaaladda uu dalku ku jiro xiligan aysan ka saari Karin dhalinyaro aan wax baran.

siihayaha wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Dr.Khaalid Cumar Cali oo isna khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in loo baahanyahay kordhinta xarumaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacadaha.

Siihayaha wasiirka tacliinta sare mudane Ducaale Aadan Maxamed oo munaasabadda soo xiray ayaa ardayda ugu hambalyeeyay munaasabadda maanta ee ay ku qalin jabiyeen waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay in arday tiradan leh ay sanad weliba kasoo baxaan jaamacadaha kuyaala caasimadda dalkeena.

1

 

2

20

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Faah Faahin Ku Saabsan Weerarkii Xalane iyo Maleeshiyaadkii Weerarka Soo Qaaday Oo Qaarkood Gacanta Lagu Dhigay

Next Post

Faah Faahin Ku Saabsan Weerarkii Xalane iyo Maleeshiyaadkii Weerarka Soo Qaaday Oo Qaarkood Gacanta Lagu Dhigay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....