Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

June 7, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Waxaa heshiis laga gaaray dagaladii ka socday xadka gobolka Galgaduud uu lawadaago ismaamulka dowlad degaanka Ethiopia, kaddib kulamo gooni gooniya oo maalmihii u dambeeyay ay kulahayeen mas’uuliyiin uu hogaaminyo Wasiirdowlaha Madaxtooyada Qaanka Soomaaliya Mahad Salaad

Qodobada Heshiiska:

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3
  1. Xabad joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inuusan ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay fariin nabadeed u gudbinayaan dadka shacabka ah.
  2. Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaq dhaqaaqaan.
  3. Dadka Soomaalida ah ee kunool gudaha Itoobiya, iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin Xuquuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca adeegyada Dowlada ah.
  4. Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.
  5. Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliya, wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha dhaqanka, xoogaga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.
  6. Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyada uu la tashanayo, isla markaana kaashanaya shacabka ku dhaqan deegaankaas. iyaga oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xalinayaan sababihii keenay khilaafka.
  7. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wada jir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.
  8. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka Warbaahinta, abuurayana colaado hor leh.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Next Post

Shaqsiyaad si been abuur ah u isticmaalayay magacyada Madaxda oo la shaaciyay

Next Post

Shaqsiyaad si been abuur ah u isticmaalayay magacyada Madaxda oo la shaaciyay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....