Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DEG DEG: John Kerry oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii Muqdisho

May 5, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 1 min read
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka taageerayaan arrimaha ammaanka, siyaasadda, bani’aadamnimada iyo dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu xoghayuhu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay aad u soo dhaweyneyso horumarka ay dowladda Soomaaliya sameyneyso iyo guulaha laga gaaraya arrimaha ammanka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wuxuu sheegay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada gobollada u dhaxeeya uu yahay mid dhiirri galin leh oo suurta galin kara horumarka uu hiigsanayo waddanku.

Sidoo kale waxuu soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho ay waddanka ka dhacdo 2016-ka, iyo waliba dadaallada socda ee arrintaas lagu gaaranayo, isagoo ku boorriyay dowladda in la dhaqsi loo dhammaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhammaystirka hiigsiga 2016-ka.

Dhinaca kale John Kerry ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan dhismaha ciidammada qalabka, ayadoo tababarro iyo taageero kale ay ku caawinayso ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha ammaanka iyo la dagaallanka argagixixsada ayuu sheegay in dowladda Mareykanku ay ka caawinayso Soomaaliya.

Ugu dambentii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay xaq u leeyihiin inay helaan nolol wanaagsan oo ay guryahooda ku soo laabtaan. Dowladda Mareykanku inay taageero ku bixin doonto arrintaas ayuu saxaafadda u sheegay John Kerry.

Xoghayaha ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo maanta socdaal saacado qaatay ku yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweynaha dalka, R/wasaaraha, madaxda maamullada gobollada iyo bulshada rayidka.

ShareTweetShare
Previous Post

FAAHFAAHIN: Socdaalka John Kerry ee Muqdisho

Next Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Next Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....