Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

February 4, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo xafiiskiisa kula shiray qeybaha bulshada, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo maamulka degmada ayaa uga warbixiyay socdaal uu ku tegay Muqdisho iyo dalka dibadiisa iyo waxhaabihii u qabsoomay.

Maxamed Cabdi Tool oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in socdaalkii uu ku tegay Muqdisho iyo meelo kale oo ka baxsan dalka ay ugu soo idlaatay guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan degmada Xudur iyo deegaannada kale ee ku xeeran ay ka hirgelin doonaan mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan sugidda amniga, si mashaariicda laga hirgelinayo gobolka ay u noqdaan kuwa ay ka faa’iideystaan bulshada Gobolka ku nool.

Korneyl Timo-cadde oo ah korneylka ugu sareeya ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobolka Bakool ayaa sheegay in deegaanno badan oo hoostaga degmada Xudur ay ka sameeyeen howlgallo ay kaga sifeynayeen haraadiga kooxda Shabaab, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

ShareTweetShare
Previous Post

Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka

Next Post

Hooyo Soomaaliyeed oo Sadax wiil oo mataano ah ku umushay Isbitaal Muqdisho ku yaala.DAAWO.

Next Post

Hooyo Soomaaliyeed oo Sadax wiil oo mataano ah ku umushay Isbitaal Muqdisho ku yaala.DAAWO.

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....