Saturday, June 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaatan horumarka dalka

May 4, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Wasiiru ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayey doorka dhallinyarada ee ku aadan horumarka dalka iyo dib u dhiska oo xaly lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux” Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi iyo mas’uuliyiinta ururka dhallinyarada isbadal doonka ah ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (DHISO) ayaa lagu xusayay 9 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay ururkaasi.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada isbadal doonka ah ee (DHISO) Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ka hadlay kulanka ayaa sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo xusay si gaar ah u tilmaamay doorka dhallinyaradu ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

“Dhallinyarada door weyn ayay ku leeyihiin inay kaqeyb qaataan horumarka dalka, marka waxaan ku baaqayaa in dhallinyarada ay muujiyaan doorkooda” ayuu yiri

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali “Baqdaadi’  ayaa sheegay in dhallinayaradu ay kaalinta ugu muhiimsan ka qaadan karan horumarka dalka hadii ay isku duubnaadaan.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in Soomaalida ay 70% xilligan u badanyihiin dhalinyarado da’doodu ka yartahay 30 sano jir, waxaana awoodda uu dal waliba leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux” oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed inay garab istaagaan Wasaaradda, ayna ka shaqeyn doonaan sidii dhallinyarada shaqo abuur loogu sameyn lahaa gudaha dalka.

“Waxaad ogtihiin in ay nagu soo fool leedahay xuska maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, marka waxaa la idinka rabaa inaad door muuqdo ka qaadataan xuska munaasabadaasi, idinkuna waxaan idin leeyahay hambalyo” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....