Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

December 12, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Munaasabad lagu soo bandhigayey hay’ad ka shaqeyn doonta dib u dejinta iyo takulaynta Qaxootiga Soomaalida ee dib loogu soo celinaayo dalka Soomaaliya iyo barakacayaasho, oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubo katirsan golihi wasiiradda xukuumadii kalsoonida ka waysay Barlamaanka federalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay laanta Qaramada Midoobay Qaxootiga iyo marti sharaf munaasabadda lagu cazuumay.
Hay’addan oo loogu magac daray hay’adda Takulaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa hoos imanaysa Wasaarda Arrimaha gudaha Soomaaliya iyadoona doorka ugu wayn ka qadan doonta dib u dejinta dadka qaxootiga ah e ee qaybihii ugu horeyey ay dhowaan soo gareen gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Agaasimaha wasaardda cafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faraax oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadalay munaasabaddaasi ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay u diyaar gadowday sidii dadkaasi ay u heli lahaayeean caafimaadka tayo wanaagsan oo lamid ah kii ay ku hayseen Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaabb ee dalka Kenya.
Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud dib u dhiska Soomaaliya Marwo Nadiifo Maxmaed Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Wasaarada Howlaha Guud ay samaysay qorshe dib u dejin loogu samaynayo dadkaasi Soomaalida ah.
Dr C/raxmaan Ducaale Bayle sii-yahayaha xil Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiigi galinta maal gashiga Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay in ay farxad weyn u tahay in dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa Xero Qaxooti ay doortaan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo taasi oo muujinaysa sida Soomaaliya ay ugu soo kabanayso colaadihii sokeeye oo dalka ragaadiyay.
“Soomaaliya waxa kaliya oo ka maqan waa nabad nabadii hadii la helo waxkasta oo aduunka yaalo halkan Soomaaliya waa laga helayaa” ayuu yiri Dr Beyle sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Fedralka Soomaaliya Cabdulaahi Godax Barre oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ka badan 10 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

“Sedax qeybood oo dadkaasi kamid ah ayaa dhowaan soo gaaray gobolada Jubbooyinka waxaana dadka intooda badan la dejin doonaa gobolada Jubbooyinka Bay iyo Gedo, waxaana la kaashanayaa dib u dejinta dadkaasi Soomaaliyeed Hay’adaha Qaramada Midoobay ,5 Milyan oo Yuuro waxaan noo balan qaaday Bangiga Aduunka” ayuu sheegay C/laahi Goodax Barre sii-hayaha Wasiirka Arrimaha gudaha.
Ku dhawaan qista hay’dan ayaa ku soo beegnaysaa iyadoo lagu wado in dalka Soomaaliya ay soo garaan 10 kun oo Qaxooti Soomaalida oo muddo 20 sano ka badan ku noolaa xerooyinka Qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3
ShareTweetShare
Previous Post

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....