Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an gaaridda barta guusha dayn cafinta.

October 20, 2019
in Maqaallo
Reading Time: 2 mins read
0

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa sidii looga cafin lahaa daymaha uu caalamka ku leeyahay dalkeenna, si hadafkaasi loo gaaro Xukuumadda waxay dhowr mar oo hore ku celcelisay in waqti badan la geliyay sidii daymaha Soomaaliya lagu leeyahay looga cafin lahaa,Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay qorshihii yoolkaasi lagu gaari lahaa,waxaana la gaaray guulo la taaban karo bilihii ugu danbeeyay.

Ra’iisul-wasaaraha XFS oo hadda ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Bankiga Aduunka, Hay’adda lacagta aduunka iyo dowladaha kale ee ka qaybgalay shirka sanadlaha ah ee IMFta iyo Bankiga Aduunka oo lagu qabtay  magaalada Washington ee Caasimadda dalka maraykanka.

Related posts

Kala sareynta darajooyinka ciidanka – Waa kee Jananka ugu darajada sareeya ciidamada Qaranka?

Kala sareynta darajooyinka ciidanka – Waa kee Jananka ugu darajada sareeya ciidamada Qaranka?

March 4, 2022
0
Wasiirka Warfaafinta “Waa waajib in Warbaahintu ay difaacdo madax bananinada Qaranimada Soomaaliya” SAWIRRO

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

June 8, 2021
0

Dayncafinta.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an gaaridda barta go,aanka dayn cafinta, waxayna u gudubtay SMP4, iyadoona beesha caalamku ku amaantay dadaallada hagar la’aaneed ee arimaha dayn cafinta,taasi oo fure u  ah horumarka dalka, geedi-socodka dayn cafinta waa guul, waxaana ka faa’iideysan doona dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa, waxayna fursado ka helayaan Maalgashiga ilaha dhaqaale oo ballaaran oo laga helayo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFIS).

Shirkii iskaashiga 2 oktober oo lagu amaanay Hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho, Wuxuu soo dhaweeyay iskaashiga,Soomaaliya ee barnaamijkeeda dayn cafinta iyo horumarka la taaban karo ee ka muuqdo dhinaca  dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu bogaadiyay dadaallada dib u habaynta Soomaaliya oo dhan, looga hirgalinayo hab maaliyadeed dhaxal-ga ah, taas oo gogol xaar u noqonaysa kobac iyo horumar loo wada dhanyahay albaabadana u fureysa ilo dhaqaale oo wax looga qabto sababaha keena faqriga iyo u nuglaanta saboolnimada.

Shirka sanadlaha ah iyo wajiga Smp4.

Kulankaan oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka  waxaa ka soo ifbaxay yididiillo farxadeed oo muujinaysa in shacbiga Soomaaliyeed dhawaan guran doon miraha ka dhasha dadaalkii dowladda Soomaaliya u gashay in Soomaaliya laga cafiyo daymaha, si loo gaaro barnaamijyo ballaaran oo horumarineed oo dalka ka taabba gala.

Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga adduunka ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay sida  dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habaynta shuruudihii loo qaabeeyay dayn cafinta.

Dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxa cabirkeedu ahaa gaarista hadafyada wajiga Afaraad ee la xaqiijiyay, haddana waxaa socda dadaallo loogu gogol xaarayo ka guul gaaridda qaybta Afaraad.

Dhanka kale Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan doceed kula qaadatay Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre magaalada Washigton ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020, “Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka, isaga oo sidoo kale kulmmo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.

Hannaanka maamulka maaliyadda dalka, wuxuu cagta saaray waddadii saxda ahayd, tusaale ahaan uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019, waxaa uu ka sara maray intii la filayay.

Hay’adda IMF waxay soo dhowaysay nidaamka mushaar bixinta dowladda iyo lacagaha taleefoonada gacanta la isugu diro,kaasoo muhiim u ah barnaajika dayn cafinta iyo degganaashaha dhaqaalaha dalka.

W/D. Gobdoon

ShareTweetShare
Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan.

Next Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay Mashruuca Daweynta Xoolaha.

Next Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay Mashruuca Daweynta Xoolaha.

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....