Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ka hadlay maalgeshiga iyo arrimaha Internet-ka

July 2, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Shirka golaha wasiirrada oo ahaa laba qeybood qeybtiisa hore waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, iyadoo shirka inta badan diiradda lagu saaray arrimaha ugu muhiimsan  dalka dhinaca horumarinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Shirka golaha kaddib, ayaa sheegay in golaha ay ka hadleen Xeerka Maal-gashiga Caalamiga ah oo la joogo waqtigii uu ku haboonaa, waxa kaloo diiradda la saaray Arrimaha Internet-ka dalka oo ay ku howlan tahay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,  golaha yuu sheegay in ay  boggaadiyeen guushii laga saaray Imtixaannadii  la qaadey ee Dugsida dalka intoo badan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Qeybta Labaad ee Shirka golaha wasiirada waxaa  guddoominayey Mudane Maxamed Cumar Carte Khaalib, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaana yiri “ dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa k ago’an in ay sii xoojiso dadaallada  ay ugu jirto in si gaar ah loo dartyeello dadka dantayar waana masuuliyadaha dowladda kuwa ugu muhiimsan”.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye) ayaa ka mid ah masuuliyiin uu madaxweynaha Jamhuuriyadda  u xiray Billad Sharaf, waxa uu tilmaamay in arrintaas ay muujineyso sida ay  u  laabatay awooddii dowladda ee aheyd in  la ciqaabo ciddii dambi gasha qofkii horumar iyo wanaag keenana a abaalmariyo, isagoo boggaadiyey howl-wadaannada wasaaradda Warfaafinta oo guul waa weyn ka  gaaray wacyigelinta Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa  sheegay in dowladda ay jawaab cad ka bixisay weerarkii argagixisadu Tobaadkii hore ka geysteen deegaanka Leego, dhowaanna la sameyn doono tallaabooyin  kale oo jawaab u ah dhammaan horjoogayaasha argagagixisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qorshayaasha lagu guuleysto ee ay qabtaan wasaaradaha  dib u eegta si loo ogaado halka ugu dambeysa ee ay ku dhammaadeen shaqooyin hey’adaha fulinta, waana mid ka mid ah horumarrada laga sameeyey isla-xisaatanka dowladda dhexdeeda ah.

ShareTweetShare
Previous Post

Akhriso Isku aadka wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii “Sawirro”

Next Post

Olole Nadaafadeed oo Ka Bilowday Xaafada Islii "Sawirro"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....