Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

December 12, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Guddiga Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay Liiska  Shirkadaha ka qaybgalaya Codaynta Doorashadda rugta Ganacsiga  iyo Warshadaha Puntland iyo Shuruudaha ganacsatada u tartamaysa Guddoonka Rugta.

Maxamuud Faarax Bile,  Afhayeenka Guddiga Qabanqaabada Doorashada oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Rugta ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa sheegay in 111 Shirkadood ka soo xuleen Shirkadaha ka howlgala deegaamadda Puntland,kuwaasoo Xaq u yeeshay ka qaybgalka doorashadda Rugta.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Afhayeenku waxaa uu sheegay in 111  Shirkadood ee  la soo xulay  ay waafaqeen Qodobka Lr 7 oo ah Qodobka lagu asaasay Rugta Ganacsiga iyo Xeerkii Doorashooyinka Rugta oo la ansixiyay 30 Bishii November 2014”

“ Waxaanu go’aaminay in 111-ka Shirkadood ay xaq u yeesheen inay codeeyaan doorashada Guddoonka Rugta Ganacsiga Puntland, xulitaanka aanu xulnay, nin Jeclaysi kuma dhisnayn, wuxuu ku dhisnaa wixii ka waafaqay Qodobka Lr 7 iyo xeerka  doorashooyinka Rugta” ayuu yiri.

Maxamuud Waxaa kaloo xusay in Shirkadaha ka qaybgalaya Codaynta Doorashadda Rugta Ganacsiga,  laga doonayaa  in yimaadaan Rugta ganacsiga si ay iskaga arkaan Liiska la soo dhejiyayay,islamarkaana Shirkadii uu ka dhacay Laysanku ay u cusboonaysiistaan.

111 Shirkadood, Laga Bilaabo 13  ilaa 17 December  2014 Waxaa laga rabaa inay ku booqdaan xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha si ay iskaga arkaan Liiska la soo dhejiyay, islamarkaana cidii Laysanku uu ka dhacay ay u cusboonaysiistaan.

Shirkada Kasta Waxaa laga rabaa inay bixiso Lacag dhan $100

Shirkadii ka dib dhacda ama aan fulin Shuruudaha  Xaq u yeelan mayso inay Codayso, Waana la buuxinayaa Booskeeda

Geesta kale afhyeenku Waxaa uu sheegay in Ganacsadihii doonayaa inuu u tartamo Guddoomiyaha  iyo K/xigeenka Rugta Ganacsiga  Laga bilaabo maalinta Beri ah oo ku beegan 13 December 2014 uu yimaado Xarunta Ganacsiga Puntland oo uu buuxiyo shuuradaha  u tartamaha doorashadda Rugta Ganacsiga.

1 U tartamaha Guddoomiyaha iyo K/xigeenka Rugta Ganacsiga  Laga bilaabo 13 Dec ilaa 20 Dec 2014 waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo taariikh nololeedkiisa, codsi,laba sawir oo nooca Passport-ka.

2.U Tartamaha Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland  Waaa in uu Bixiyaa $2500

3.U Tartamaha Guddoomiye  K/xigeenka  Rugta Ganacsiga Puntland  Waaa in uu Bixiyaa $1500

  1. U tartamaha aan xiligaas ku soo gudbin Documentigiisa oo ay ku lifaaqanyihiin Labo Sawir ma Noqonayo mid xaq u yeesha inuu Tartamo

Doorashadda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  oo la filayo inay dhacdo 25 Bishan December 2014, Waxayna ka dhici doontaa Magaalada Bosaaso, Waxaana ka qaybgali doonaa Ganacsatadda Reer Puntland ee ka shaqaysta Goboladda Dalka.

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan oo maanta gaaray Xudur

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....