Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka oo xariga jaray Dugsi laga hirgeliyay degmada C/casiis

January 1, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Iskuulka Hoose iyo Dhexe degmada C/casiis  ee maqaalada Muqdisho oo ka kooban 12  Fasal Isla markaana loogu talagalay in si lacag la’aan ah wax loogu barayo Carruurta ku nool degmadaasi,waxaa maanta xariga Ka jiray guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa maqaalada Muqdisho kadib markii la soo gebe gebeeyay dayactir  lagu dhismaha Iskuulka oo ay dib u dhiskiisa  iska kaashideen  maamulka gobalka Banaadir iyo Hay’adda DRC.

Intaas kadib guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa maqaalada Muqdsiho ayaa mid mid  u kormeeray Fasalada uu ka kooban  yahay Dugsiga Hoose iyo dhexe ee degmada C/casiis Xiligaas oo ay Fasalada Xaadir  ku ahaan arday aad u fara badan kuwaas oo diyaar  u ah in ay wax ku bartaan Iskuulkan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Cismaan Muxiyadiin Cali Cariif oo ah guddoomiyaha Degmada C/casiis  ee gobalka Banaadir ayaa sheegay  in Dugsigan laga hergaliyay degmada C/casiis uu dbooli i doono Inta badan baahida dhanka Waxbarshada oo ka jirta guud ahaan degmada Cabdi Caziiz ee gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa maqaalada Muqdisho  oo meel fagaare ah kula hadley boqolal arday oo Wax ka baran doonta Iskuulkan ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisey Dugsiga Hoose iyo dhexe degmada C/casiis uu yahay Mashruucii 8aad oo ay bishan Maamulka gobalka Banaadir ka fuliyo degmooyinka gobolka Banaadir.

“Dhismaha Dugsigan waxaa uu qey ka yahay mashaariicda kala duwan oo ka socoda degmooyinka gobolka, waxaana dhismahan hergeliyay maamulka degmada oo kaashanaya hay’adda DRC oo laga leeyaha dalka Denmark” ayuu yir guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa maqaalada Muqdisho ayaa Wasaaradda Waxbarashada ka codsaday Dugsigan laga hergeliyay degmada C/casiis ay keenaan macalimiintii wax ka dhigi laheyd Iskuulkan.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweynaha J. F. S. oo saaka dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Next Post

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....