Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin badalanayeen arday Jaamacadeed

November 18, 2019
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xaflad ay ku qalan badalanayeen ku dhawaad lix boqol oo arday oo dbameysatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Salaama kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta ahna Agaasimaha Isbitaal Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ardayda dhameeysatay kuliyadda cafimadka, isagoo kula dar daarmay inay u sinaadaan daaweynta bulshada.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle Jaabiri ayaa bogaadiyay ardayda, isagoo hay’adaha caafimaadka ugu baaqay inay fursado shaqo siiyaan ardayda ka qalin badalaneysa Jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waalidiinta iyo macalimiinta Jaamacadda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen ardayda maanta ka aflaxday Jaamacadda Salaama, waxaana uu ardayda kula dar daarmay in cilmiga ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.

Ardaydaan ka qalin badalaneysa kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Salaama ayaa ugu dambeyn la guddoonsiiyay shahaadooyin.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Ururka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ay ku gaareen Nairobi

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo u mahadceliyay dadkii ka qeybqatay gargaarkii shacabka Beledweyne “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo u mahadceliyay dadkii ka qeybqatay gargaarkii shacabka Beledweyne "SAWIRRO"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....