Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed “SAWIRRO+ MUUQAAL”

February 7, 2015
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamullada KMGka ah ee Koonfur Galbeed,Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.

Gebagebadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.
DSC_3737

DSC_3741

DSC_3744

DSC_3747

DSC_3748

DSC_3750

DSC_3752

DSC_3753

DSC_3755

DSC_3757

DSC_3759

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

ShareTweetShare
Previous Post

Tababar loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO+MUUQAAL”

Next Post

“DAAWO”Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

Next Post

"DAAWO"Maamulka Gobolka oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay guri uu lahaa

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....