Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal-jeedinta Marwada koowaad ee dalka oo Mareykanka ka wadda olole loogu gurmanayo dadka ay Fataahaddu saameysay

November 11, 2019
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Assalaamu calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Salaan kaddib,

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Farxad bay ii tahay inaan idinku soo booqdo magaalada Columbus si aan idin kala qayb qaato munaasabaddan aan ugu gurmanayno walaalaheenna Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Degmooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo meelaha kale oo ay dhibaatooyinku ka dhaceen.

Runtii markii uu dhibka dhacay waxaan la soo xiriiray dhallinyarada gobolka oo ay hormuudka u yihiin gabdhaha Soomaaliyeed ee hortayda ka muuqda iyo ganacsatada magaaladan si aanan uga harin gurmadka shacabka Soomaaliyeed ay gees ka gees dunida ka wadaan.

Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.

Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay.

Alle S.W.T wuxuu xadiisul qudsi ku yiri “dhulka isugu naxariista si aan samada idin kaga naxariisto.” Musiibadan waa mid lagu tijaabinayo dadkeenna maanta aan haysan wax ay cunaan iyo meel ay seexdaan. Walaalayaal, Eebe hanagu asturo xilkaas na sugaya iyo waajibaadka naga saaran inaan u gurmanno hooyooyinka iyo carruurta dibad yaalka ah.

Aniga ka Marwo ahaan waxaan halkan idiinku imi oo aan safar dheer  usoo galay inaan hormuud idiinku noqdo hawshan, waxaan sidoo kale tagayaa gobollo kale si aan u dardargeliyo hawshan aan caawa halkan ka bilownay.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ee halkan jooga waxaa idin saaran waajib gooni ah sababta oo ah dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira cidda ugu badan ee ay ku dhacayso waa hooyo Soomaaliyeed, waa carruur Soomaaliyeed, waa dadka nugul. Aan gacmaha isqabanno oo aan sidii nalagu yaqaannay hawshan dadaal badan galinno.

Alle waxaan uga baryayaa in shacabka Soomaaliyeed  ee ay daadadku barakiciyeen inuu culeyska ka dulqaado, waxaana idinka codsanayaa in dhaqaalo aruurintan loo xil saaro guddi si hufan u maamula oo gaarsiiya dadka ugu baahida badan.

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS oo kormeeray dib u dhiska ka socda Xarunta Wasaaradda+Sawirro

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska.

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska.

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....