Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Hoggaamiyaha  Ururka Daacish oo dhaawac culusi soo gaaray

April 22, 2015
in Wararka Raadiyahaa, Xulashada
Reading Time: 2 mins read
0

Wargeyska Gardian ee ka soo baxa Britain ayaa ka soo xigtay  ilo ku dhowdhow ururka Daacish  in  hoggaamiyaha ururka Abubakar Albaqdaadi uu gabay hoggaaminta ururka, kaddib markii uu dhaawac culusi ka soo gaaray duqeyn diyaaradaha Isbahaysigu u geysteen oo ka dhacday galbeedka dalka Ciraaq bishii March ee la soo dhaafay.

Ilo wareedyadani waxay u  xaqiijiyeen wargeyska Guardian in Albaqdaadi uu qabo dhaawacyo aadu waaweyn oo khatar ku ah noloshiisa, waxayna intaas ku dareen in inkastoo uu dhowrkii maalmood oo la soo dhaafay soo hagaagayay, haddan uusan awood u lahay in uu hago howl maalmeedka ururka..

Related posts

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ku bogaadiyay guddiga FEIT bixinta shahaadada xildhibaanimo ee BFS

RW Rooble oo guddiga doorashada FIET ka saaray laba xubnood, digniina soo saaray

April 5, 2022
4

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 12, 2022
0

Wararku waxay sheegayaa in hoggaamiyeyaasha kale ee ururka Daacish ay leeyihiin kulammo ay uga arrinsanayaan sidii loo magacaabi lahaa hoggaamiye cusub oo ururku yeesho, ka dib markii ay ku qanceen in ay u badan tahay in Albaqdaadi uu dhaawaca u dhinto.

Diplomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in weerarka lagu dhaawacay hoggaamiyaha Daacish uu 18-kii  bishii la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow  xadka Suuriya iyo Ciraaq ay wadaagaan.

Warbixinno hore oo soo baxay bilihii November iyo December ee la soo dhaafay ayaa tilmaamayay in  Albaqdaadi uu ku geeryooday duqeymo hore.

Hoggaamiyaha ururka Daacish  Abubakar Albaqdaadi, ayaa aad ugu dadaala in aan la ogaan halka uu ku sugan yahay iyo dhaqdhaqaaqiisa.

Waxa uu markii ugu horreysay ka soo muuqday masjid ku yaalla Magaalada Mousil muddo sanad laga joogo ka hor.

Ururka Daacish ee xagjirka ah, ayaa Ciraaq iyo gobollo ka tirsan Suuriya ka geysta gabood fallo aad u waaweyn oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Daacish waa urur xag jir ah oo magaca diinta ku xasuuqa  dad aad u fara badan.

Kummaan rayid ah oo ka tirsan qowmiyadda Yaziidiyiinta ee laga tirada badan yahay ayay kooxdu afduubatay, iyadoo sheegtay inay addoonsaneyso.

Haween ka badan 3000 oo qowmiyaddaas ka tirsan ayaa wali ku jira gacanta Daacish, waxayna kooxdu kooxdu u qaybisay dagaallamayaasheeda si khasab ah ugu galmooda.

Daacish waa urur Takfiiri ah oo ka farcamay ururka Alqaacidda, waxayna caan ku yihiin fulinta xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dhul ballaaran oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya ayay kooxdu maamushaa, halkaas oo ay dadka ku xukunto gacan bir ah iyo cabburin joogto ah.

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Next Post

Wasiirka dekadaha Soomaaliya: “shirkad laguma wareejin karo dekadda Berbera”

Next Post

Wasiirka dekadaha Soomaaliya: "shirkad laguma wareejin karo dekadda Berbera"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....