Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hormuud oo $100 kun u qeybisay carruur agoon ah

June 28, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Lacagtaan deeqda ah ee maanta ay hey’ada samafalka Hormuud Foundation u qaybisay caruurta agoonta ah ee magaalada Muqdisho ku nool qaarkood ayaa waxaa ay gaareysaa 100 kun oo dolar waxaana ay qayb ka tahay  deeqaha lacagta iyo raashinka isugu jira ee Hormuud ay dhawaanahaanba ku afurineysay dadka danyarta ah.

Kulanka lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay maamulayaasha ilaa 18 hay’adood oo iyagu xanaaneeya caruurta agoonta waxaana mas’uuliyiinta hormuud Foundation ay kala hadleen maaamulayaasha sida loo gaarsiin karo lacagtaas caruurta agoonta ah.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Qaar ka mid ah maamulayaasha ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen taakuleynta Hormuud ee caruurta agoonta.

“In waxeeda aan gaarsiineyno dadkii aad ugu talo gasheen aan gaarsiineyno waa balan qaad anaga ayay na dul saran  tahay insha’alaahu tacaalaa Hay’ada waxaan u rajeyneynaa kheyr badan ”ayay sheegeen.

“Waxaan idin leeyahay  horta hore jasada ilaahaa bixiya ilaahaybaan horta idiin weydiineynaa in uu abaal marin idinka siiyo  barnaamijkaan aad maanta bilawdeen oo aad dhahdeen mu’asasadaa wax ugu dhiibeynaa waa fikir aad u wanaagsan runtii marka la yiraahdo  sababta dadkani waa dadkii gacanta ku hayay”.

Maamulaha hay’ada Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo gaba gabadii ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in arinkaan ay ku taakuleynayaan agoonta Soomaaliyeed uu qayb ka yahay barnaamijyada bisha barakeysan ee Ramadaan ay shirkadu ku caawineyso dadka danyarta ah.

“Duca iyo amaanba adinkaa mudan adinkaa hayay cidaan wax siino ma aragneen hadaadnaan meel ku hayn lahayn sababtoo ah suura galba maahan agoon banana marayay in si wax loo siiyo  malahan ama nidaam wax lagu siiyaa waa adkaanaa ama wixii yaraayoo aad haysay si wax loogu nidaamiyaa waa adkaanee  in aad meel ku haysaan oo aad mas’uul u tihiinbaa micno badan sameyneysa  waxaan halkaa idin gudoonsiin doonaa halkaa 18  kaas hay’adood oo agoomaha haya  lacag 100 kun ah in sha alaah oon idiin kala qaybin doono hadii alle yiraah”, ayuu yiri Axmed.

ShareTweetShare
Previous Post

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Oo Xalay Howlgalo Ka Sameeyay Afgooye

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitalka dhexe ee Cadaado-Sawirro

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitalka dhexe ee Cadaado-Sawirro

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....