Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlo dib u habeyn ah oo lagu sameynayo barxadda dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

December 2, 2014
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa maanta kormeer howleed ku tegtay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo dib u dib u habeyn ay ka waddo Wasaaradda howlaha guud oo kaashaneysa hay’adda bisha cas ee Turkiga.

Howlahan kormeerka ah ee ay maanta ku tegtay dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Eng, Nadiifo Maxamed Cismaan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa ahayd mid ay ku indho indheyneynayeen sida ay u socdaan howlo dib u habeynta.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Eng, Nadiifo ayaa intii ay kormeerka ku guda jirtay waxa ay halkaasi kula kulantay Taliyaha dugsiga tababarka ciidanka booliska Jeneraal Cabdirashiid Aadan Xirsi, isagoo ka warbixiyay sida ay u socdaan howlaha dib u dayactirka, waxaana uu uga mahadceliyay kormeerka ay ku yimaadeen, isagoo tilmaamay in barxadda akadeemiyada ay noqotay meel biyo fadhiisad ah.

Wasiirka Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Eng, Nadiifo Maxamed Cismaan oo kormeerka kaddib la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kormeerka maanta ay ka dambeysay codsi uga yimid taliyaha akadeemiyada, waxaana ay intaa ku dartay in barxadda lagu gaardiyo ay xireen fatahaado ka dhashay roobabkii dhawaan caasimadda ka da’ay, ayna ku howlanyihiin sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa.

Dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa lagu wadaa in lagu qabto xuska sanadguurada 71aad ee aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bishan.

vlcsnap-2014-12-02-14h28m05s27 vlcsnap-2014-12-02-14h28m17s159 vlcsnap-2014-12-02-14h28m34s74 vlcsnap-2014-12-02-14h28m52s0 vlcsnap-2014-12-02-14h29m03s121 vlcsnap-2014-12-02-14h29m40s234 vlcsnap-2014-12-02-14h30m22s118 vlcsnap-2014-12-02-14h30m41s64 vlcsnap-2014-12-02-14h31m12s119 vlcsnap-2014-12-02-14h31m30s40 vlcsnap-2014-12-02-14h31m52s18 vlcsnap-2014-12-02-14h32m02s115

 

ShareTweetShare
Previous Post

Ciidamada Booliska oo Su’aalo Weydiinayo Sedax Qof oo Ka Badbaaday Xusuuqii Mandera

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....