Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jawaari: sanadka 2016-ka dalka doorasho ayaa lagu qaban doonaa

February 13, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Isagoo marti ku ahaa Barnamijka Kulanka Todobadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayuu ka hadlay Arimo dhowr ah oo la xiriira Siyaasada Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa waxaa ugu horeyn daaha ka qaaday arin bulshadu ay wax iska weydiinayeen oo ah in doorasho ay dalka ka dhacdo marka la gaaro Sanada 2016 ka sida qorshuhu yahay waxaana uu ku simaha Madaxweynuhu sheegay in doorashadu ay dhici doonto waqtigii loogu talo galay aysana dhici doonin in dowladda hadda jirta waqti dheeraad ah loogu daro sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashadu aysan noqo doonin in Odayal dhaqameed ay soo xulaan Madaxda iyo Baarlamaanka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa Xusay in Baarlamaanka Federaalka ah uu guda gali doono marka uu furmo kalfadhiga Lixad sharciga Axsaabta siyaasada isla markaana dalka laga hirgali doono axsaab siyaasadeed bisha Maajo marka la gaaro waxaana uu gudoomiyuhu ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Axsaab siyasadeed la hirgaliyo.

Ku simaha Madaxweynaha oo Su’aalo uga Jawaabayay dadweynaha ku xirnaa dhageysiga Barnaamijka Kulanka Todobaadka ayaa waxaa uu shaaciyay Xiliga uu furmayo Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Federaalka ah waxaana uu Mudanayaasha Golaha shacabka ku wargaliyay 11 Abriil ay soo xaadiraan si howlaha adag ee Horyaala Golaha loo amba qaado.

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii Baarlamaanka dalka Jabuuti

Next Post

Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay

Next Post

Ciidamo hore leh oo Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya oo Beledweyne lagu soo dhaweeyay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....