Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka Qeyb Qaado Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan+Sawirro

May 19, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 4 mins read
0

Guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa waxa ay iminka si toos ah shacabka Soomaaliyeed ugala hadlayaan Radio Mqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed,  kaasi oo ku saabsan sidii gurmad dhinac waliba leh loogu fidin lahaa  Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya dalka Yemen, isla markaan ay kulanka ku soo bandhigeen akoonno ay lacagta ku soo shubi karaan.

Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan inay gacan ka geystaan sidii gurmad dhinac waliba leh loogu fidin lahaa Qaxootiga dib dalkooda loogu soo celinayo.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Qof waliba waxa uu hayo waan qaadaneyna, waxkasta oo ay tabartooda tahay, gacan halaga geysto wax u qabashada dadka ku xaniban dalka Yemen, waxa la idinka rabo waa sadaqo, faa’iidooyin badan ayay leedahay, xoolaha Alle ayaa iska lahay. Alle waxa uu armay in xoolaha aad wakiilka uga tihiin in la bixiyo, ee haka baqeylin, bixinta sadaqada” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo iyana la hadashay shacabka ayaa Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland uga mahadcelisay sida ay u soo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo baracakaya Yemen.

“Dalal badan dadkoodu way u gurmadeen diyaarado iyo maraakiib ayay u direen, anaga xilligan waxaa na soo gaarsiiyay waxa ay tahay doorkii shacabka oo meesha ka maqan, marka waxkasta waxa ay ku jirtaa, gacanteena, qofkasta oo Soomaali ah waxa mas’uuliyad ka saaran, wax u qabashada dadkeena Walaalaha ah ee ku xaniban Yemen, kuwii yimid waxa ay u baahanyihiin in dib u dajin loo sameeyo, kuwa maqanna, waxa ay u baahanyihiin in la caawiyo” ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe aya hadalkeeda ku dartay “Soomaaliya xilligan waxa ay u baahantahay inay isu gurmadaan, waxaan idinka rajeynayaa in aad gacan ka geysataan, Soomaalinimadu ma ahan in aan la isu gurman, marka xeerka Soomaalida waa isu gurmasho iyo wax u qabasho qofba qofka dhibaateysan”.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xubin ka ah guddiga ayaa ka sheekeeyay lacagaha yabooha ah ee la uruurrinayo sida wax loogu qabanayo, waxaana uu intaa ku daray in gudiga uu saddex guddi ka koobanyahay, isla markaana waxa ay shacabka dhiibaan, guddiga saddexda ah ka kooban ayaa go’aan ka gaaraya.

“Wax wal wal ah haka qabanina, in lacagtii ay meel kale ka baxdo, dadka aan u gurmanayno waa hambadii badda ka haray, waxaan u gurmanaynaa Walalaheen intii ka badbaaday badda, waxaan ku kalsoonahay in qofkasta uu gacan ka geysan doono, sidii dadkaasi loo soo daad gureyn lahaa, waxaa loo baahanyahay in Maraakiib loo kireeyo, qofkasta oo Soomaaliyeed ayaa ka qeyb qaadanaya” ayuu yiri Shirwac.

Ugu yaraan saddex boqol oo kun oo qof ayaa waxaa qorshuhu yahay in la soo gaarsiiyo meel ka mid ah dhulka Soomaaliya, waxaa kaloo ay arrintu tahay in qofkasta dib loogu celiyo deegaannadooda, waxayna u baahanyihiin adeegyo caafimaad, mid nooli, iyo sidii mustaqbalka dadkaasi loo dhisi lahaa.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in $500 ( Shan boqol doolar ) uu ku tabarucay in wax loogu qabto Qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana shacabka looga fadhjiyo in ay soo gudbiyaan waxkasta oo ay bixin karaa.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa iyana dhankeeda ku tabarucday $500  (Shan boqol) oo doolar.

Abwaan Cismaan Guure oo isna xubin ka ah guddiga ayaa ku deeqay $200 (Labo boqol) oo doolar.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay bixinayaan $2,000 (labo kun oo doolar).

Maxamed Sheekh Cali Diini oo ku hadlayay urur u dooda xaquuqda dhallinyarada ayaa ku tabarucay $1,000 (Kun doolar)

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo isna xubin ka ah guddigan ayaaa ku tabarucay $1,000 (kun) doolar.

Guddoomiye ku-xigeenka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi oo iyana hadal kooban jeedisay ayaa madaxda dowladda ka codsatay inay mashaaraadkooda iska jaraan oo ay gacan ka geystaan siidi ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Walaalahood ee ku dhibaateysan dalka Yemen.

“Waxaan rabnaa xubnaha golaha Wasiirada iyo baarlamaanka ka codsaneynaa inay mushaarkooda wax ka jaraan, ugu yaraan $1,000 kun doolar inay iska gooyaan, oo ay ku tabarucaan Walaalahood dhibaateysan” ayay tiri Canab.

Jawaahir Baarqab oo xubin ka ah guddiga ayaa tilmaamtay in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo inay ka qeyb qaataan gurmad u fidinta Walaalaha Soomaaliyeed ee Yemen laga soo celinayo,  waxaana ay ku yaboohday in iyada oo ku hadlaysay magaca ururka Haweenka $2,000 (Labo kun) oo doolar.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Batuul Sheekh Axmed Gaballe ayaa tilmaamtay in arrinta ay tahay mid bilow ah, isla markaana ay dhiiri gleineyso sidii shacabka isu gurman lahaayeen.

Maxamed Sheekh Cali Diini ayaa xusay in tani ay tahay mid ku dayasho mudan.

Faadumo Cabdiqaadir ayaa tilmaamtay in ay aad ugu faraxsantahay sida shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan  isug gurmanayaan.

Guddoomiyaha Guddiga badbaadada iyo samata bixinta ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa ugu baaqay milkiilayaasha shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay gurmadka gacan ka geystaan, waxaana uu intaa ku daray in la joogteyn doono barnaamijyada loogu gurmanayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ka soo laabanaya.

Soomaali badan oo dal iyo dibad ku nool ayaa balan qaaday inay bixinayaan lacago ay ugu talagaleen inay kaga qeyb qaataan gurmad u fidinta Walaalaha Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka Yemen.

“Faa’iidooyinka sadaqa waxaa ka mid ah in maalinta qiyaamo lagu baxsanayo, marka waxaan leeyahay dadku ha bixiyeen lacagaha loogu gurmanayo qaxootiga Soomaaliyeed” ayuu markale Sheekha hadalkiisa ku daray.

adlan soo sheeg waxa aad ku tabarrucaysid adigoo guddiga kala xiriir kara Taleefannada iyo account-tada hoos ku qoran.
Tel: +252618949960 / +252615447514

Bangiyada.

Muqd-Dahabshiil 0028404
Salaam Somali Bank 30581283

Email: badbaado2015@gmail.com

_R9A9095     _R9A9101  _R9A9105

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli (Otango)

ShareTweetShare
Previous Post

Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....