Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kay “Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo dhiso”

December 7, 2014
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu garwaaqsaday codkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala noqday Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu amaanay shaqada uu ka qabtay nabadaynta Soomaaliya, wuxuuna ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo dhiso.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay hadda u baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’adaheeda iyo madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga geystaan inay Soomaaliya gaarto horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hartay xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga wadaqaybgalo.”

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Waxaan rajeynayaa, marka Xukuumadda la dhiso, in madaxda Soomaaliya ay isla gaari doonaan heshiis ku aaddan sidii looga hortagi lahaa qalalaaso sidaas oo kale ah iyo xasillooni darro dhacda mustaqbalka. Waxaan ku faraxsanahay in Baarlamaanka Federaalka ay hadda suuroobi doonto inuu maalmaha soo socda diiradda saari doono dejinta shuruucda muhimka ah si uu u suurtoobo isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sharciga dhisaya Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Doorashada iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta.” ayuu yiri Ergayga Kay

“Qaramada Midoobay waxaa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaarka, Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay in laga gudbo toddobaadyada soo socda.

Waxaa muhim ah in haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha laga tira badanyahay la siiyo fursad ay kaalin buuxda kaga cayaaraan hanaankan iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee kale,” ayuu raaciyay.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Bayern Munich oo Ka Badisay Kooxda Bayer Leverkusen

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....