Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha Madaxweynaha dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay dhameystirka Dastuurka

February 16, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta si wadajir ah kulan ula yeeshay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dastuurka, Guddigga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Dastuurka iyo Guddigga Madax banaan ee dib u eegista Dastuurka KMG ah waxaa kulanka uu ku saabsanaa dardargelinta howlaha lagu dhameystiraayo Dastuurka Qabiyada ah ee Soomaaliya.

Ka qeybgaliyaasha kulanka iyo ku simaha Madaxweynaha dalka ahna guddoomiyaha golaha shacabka ayaa is dhaafsaday fikiro wax ku ool ah oo Dastuurka iyo dhameystirkiisa quseeya.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh cismaan ‘Jawaari’ oo kulanka ka hadlay ayaa dhamaan hay’adaha uu quseeyo dhameystirka Dastuurka ku adkeeyay in ay labo laabaan howshooda isla markaana shaqada Dastuurka ay soo geba gebeeyaan inta uusan dhamaan sanadkan 2015 si Dastuurka Afti loogu qaado ka hor sanadka 2016-ka.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh ‘ Badni’ ayaa geba gebadii kulanka sheegay in Wasaaradda Dastuurka iyo hay’adaha kale oo uu Dastuurka quseeyo ay isku afgarteen sidii howlaha lagu dhameystiraayo Dastuurka Qabiyada ah meel la isugu geyn lahaa si howsha Dastuurka loo soo gunaanado ka hor waqtiga yar oo hadda la haysto.

ShareTweetShare
Previous Post

Maareeye ku xigeenkii garoonka Aadan Cadde oo maanta la diley

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 16 02 2015

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 16 02 2015

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....