Saturday, June 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan dhaqanka lagu xoojinayo oo Muqdisho lagu qabtay

May 5, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Munaasabad lagu furayay ololaha nooleynta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyay  wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayadoo munaasabada ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiin kale.

Kooxda Ubaxa (Carruurta heesta) ee degmada Boondheere iyo kooxda fannaaniinta Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa inta ay socotay munaasabada ku soo bandhigay goobta heeso lagu dhiira galinayay wanaagga hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ayagoo muujiyay qiimaha ay u leedahay Soomaalida dhowrista iyo xoojinta hidaha iyo dhaqanka   soo jireenka ah.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Qaasim Cabdullaahi Xasan oo ka hadlay halkaasi ayaa ugu mahad celiyay mas’uuliyiinta wasaarada warfaafinta dowrka ay  ka qaadaneyso nooleynta hidaha iyo dhaqanka soomaaoiyeed, isagoo dhinaca kale tilmaamay in bulshada deggan Boondheere ay dhaqanka si wanaagsan u ilaalilaan marka laga hadlayo dadka ku nool gobolka Banaadir.

Abwan Maxamuud Cabdullaahi Singub oo ka hadlay munaasabada ayaa ka warbixiyay kaalinta uu dhaqanku ugu jiro bulshada Soomaaliyeed. “Hiddo iyo dhaqan waa kala labo, Hidduhu waa maalinle laakin dhaqanku waa ka duwan yahay” ayuu yiri Abwaan Singub

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay shacabka soomaaliyed inay xoojiyaan nooleynta hiddaha iyo dhaqanka. Wuxuu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka qeyb qaadanayo xoojinta iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan looga gol leeyahay xoointa iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in wasaaraddu ay waqti badan ku bixin doonto arrintaan.

“Xukuumadda guud ahaan iyo wasaaraddanba xil ayaa ka saaran ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka ummadda, mashruucaan arrintas ayuu qeyb ka yahay” ayuu yiri Colaad.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhowr jeer qabatay munaasabado sidaan oo kale ah. Barnaamijkaan ayaa la gaarsiin doonaa dhammaan gobollada dalka sida ay aqiijiyeen masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo dalkxiisa.

ShareTweetShare
Previous Post

BOOSAASO: Kooxo hubeysan oo weeraray fadhiisn ciidan

Next Post

John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”

Next Post

John Kerry: "Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....