Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga iyo nadaafadda Muqdisho

July 12, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Kulankan maanta ay wada yeesheen maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyiyaasha degmooyinka gobolka ayaa waxaa shir gudoominayay key simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo kulankana looga hadlayay xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo kulanka ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saaray adkeynta ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay la isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay iskaashi dhex mara bulshada iyo laamaha amniga dalka gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolka Banaadir.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Mudane Xalane ayaa sidoo kale sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay bilic soo celinta magaalada Muqdisho,waxaana dhammaan dadka ganacsatada ah lagu amray in ay ka qeyb qaataan ilaalinta nadaafadda caasimadda dalka.

”Maanta laga bilaabo Muqdisho uma dulqaadan doonto nadaafad xumo ee dhamaan waxaa lagu amray hey’adaha ammaanka iney kala shaqeeyaan waaxda nadaafada isla markaana la ganaaxi doono cidii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa laamiga”, ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir.

Kulankan maanta ay ku yeesheen xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar xubnaha maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay mudooyinkii dambe ay ka socdeen olole nadaafadeed oo lagu nadiifinaayo wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

ShareTweetShare
Previous Post

Gaari watay Taariko been abuur ah oo la soo qabtay

Next Post

Safaarada Soomaaliya ee Qatar oo soo dhaweysay guusha ay soo hoyeen kooxda kubadda cagta ee Jaalliyadda-Sawirro

Next Post

Safaarada Soomaaliya ee Qatar oo soo dhaweysay guusha ay soo hoyeen kooxda kubadda cagta ee Jaalliyadda-Sawirro

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....