Thursday, May 26, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jaamacadda Capital oo deeq dawo ah gaarsiiyey bukaanno ku jira cisbitaalka Carafaat “SAWIRRO”

December 14, 2014
in Wararka
Reading Time: 4 mins read
0

Maamulka Jaamacadda Capital ee magaalada Muqdisho  ayaa maanta deeq dawo ah oo isugu jirta faleebooyin iyo cirbado gaarsiiyay bukaano jiifa cisbitaalka Carafaat ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo lagu dabiibayo bukaanno uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Ardayda iyo maamulka Jaamacadda ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka koobanyahay cisbitaalka, kuwaasi oo qiimeyn ku sameynayay sida ay u kala daranyihiin bukaannada halkaasi ku jira.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Agaasimaha guud ee cisbitaalka Carafaat Dr Axmed Gacal Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bukaannada ku jira cisbitaalka ay xanuuno kala duwan qabaan, saacadihii la soo dhaafayna la soo gaarsiiyay bukaano hor leh oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo ka dhashay biyo ay cabeen bulshada degmada Yaaqshiid ku nool.

“Saaka marka laga reebo 189 bukaan oo qaba kiisas kala duwan qaba ayaa cisbitaalka la keenay labo ka mid ah waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay caafimaad qabaan, tan kale bukaanadaasi intooda badan waan ku guuleysanay xaaladooda caafimaadna waa ay ka soo raynayaan sidii hore” ayuu yiri Dr Axmed oo ardayda iyo Maamulka Jaamacadda Capital uga mahadceliyay gurmadka ay u fidiyeen bukaannada cisbitaalka ku jira.

Guddoomiyaha Jaamacadda Capital University Dr Cabduqaadir Wehliye Afrax ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo caawinta bukaannada ku jira cisbitaalada Muqdisho, isago Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo bukaannada ku jirta cisbitaalka Carafaat.

“Haddaan bahda Jaamacadda Capital intii awooddeyna ah in aan gacan ka geysano bukaanada la ildaran shuban biyoodka, in aan waalidkood kala qeyb galno murugada haysata, waxaan cisbitaalka keenay dawooyinka lagula tacaalo dadka fuuq baxa ku dhaca” ayuu yiri Dr Cabdiqaadir Wehliye oo ah hormuudka Jaamacadda.

Talaabadaan ay ardayda iyo Maamulka sare ee Jaamacadda Capital ugu gurmadeen bukaanada jiifa cisbitaalka carafaat ayaa ka dambeysay markii cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid, taasi oo shantii maalin ee la soo dhaafay galaaftay nolosha dad fara badan, halka ay ilaa iyo iminka ay jiraan bukaanno kale oo la ildaran cudurka, taasi oo ardayda iyo Maamulka Jaamacadda ku noqotay mid uur ku taallo ah, maadaama ay ka xanuunsadeen dhibta haysa qoysaska ay carruurtooda waxyeelada ka soo gaartay biyaha ay cabeen.

vlcsnap-2014-12-14-14h23m06s204 vlcsnap-2014-12-14-14h23m21s156 vlcsnap-2014-12-14-14h23m33s25 vlcsnap-2014-12-14-14h23m47s164 vlcsnap-2014-12-14-14h24m00s20 vlcsnap-2014-12-14-14h24m13s165 vlcsnap-2014-12-14-14h24m22s252 vlcsnap-2014-12-14-14h24m49s18 vlcsnap-2014-12-14-14h25m06s185 vlcsnap-2014-12-14-14h25m17s33 vlcsnap-2014-12-14-14h25m28s140 vlcsnap-2014-12-14-14h25m37s245 vlcsnap-2014-12-14-14h25m48s83 vlcsnap-2014-12-14-14h26m00s214 vlcsnap-2014-12-14-14h26m12s72 vlcsnap-2014-12-14-14h26m41s114 vlcsnap-2014-12-14-14h26m56s240 vlcsnap-2014-12-14-14h28m24s112

 

 

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo su’aallo weydiiyay Xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhawrka Qaranka

Next Post

Baarlamaanka oo su’aallo weydiiyay Xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhawrka Qaranka

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....