Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxdii hore ee dalka oo guul taariikhiya ku tilmaamay shirkii IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho

January 10, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka ayaa shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho ku tilmaamay guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasin Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shirkii wasiirrada arrimaha dibaddda IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho ku tilmaamay guul usoo hoyatay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna qamsoomida shirkaasi ugu hambalyeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“IGAD iney ku shirto Xamar waa arin muhiim ah, ha yeeshee arrin cusub maaha Soomaaliya, waxaa ku shiri jiray IGAD iska daaye Arican Union madaxdeeda, balse wadciga jiray ayaa diidanaa in lagu shiro haatan ka hor, shirka maanta lagu qabtay Xamarna waa wax la soo dhaweeyo” ayuu yiri Dr. C/qaasin Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay shirkii IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay madaxda dowladda qabsoomida shirkaasi, isagoo hey’adaha ammaanka ugu hambalyeeyay sida ay ugu quuleeysteen sugidda mniga caasimadda.

“Aad iyo aadaan ugu faraxsanahay in muddo dheer kadib maanta shirkii IGAD lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, farxad weyneyna u tahay ummadda Soomaaliyeed, waana wax loo baahnaa xaqiiqdii, waxaana Mahad iyo hambalyaba u dirayaa dowladda Soomaaliya, guud ahaan madaxweynaha R/wasaaraha, baarlamanka iyo ciidamada amniga” ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo wareysi siiyay Radio Muqdisho.

Hadallada madaxdan ayaa imaanaya xilli muddo dheer kadib maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD .

ShareTweetShare
Previous Post

Real Madrid oo Ka Akaatay Kooxda Espanyol “SAWIRRO”

Next Post

Macalin Alan Pardew oo Guushii u Horeysay La Gaaray Kooxda Palace “SAWIRRO”

Next Post

Macalin Alan Pardew oo Guushii u Horeysay La Gaaray Kooxda Palace “SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....