Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dib u dhiska dalka inaga ayaa na laga rabaa, waxaanna shacabka ugu baaqayaa inaan mas’uuliyaddaasi laga cararin”

June 20, 2015
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

 

Muqdisho, 20 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyay.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu qaadey isagoo kaashanaya shacabka ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

“Waa inaan u wada guntanaa mashruuca DALKAAGA DHISO oo haatan ka soo gudbey heerkii fikirka, lonna beddeley waxqabad dhab ah oo sida maanta idin muuqataa aan dhex fadhino aqal taariikh fog ku leh dalkeena, oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii uu lahaa. Ganacsatada Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool waxaan ku boorrinayaa inay dalkooda maalgashadaan , waxayna taasi sahleysaa dib u dhiska iyo shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku ammaaney maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir mashariicda kala duwan ee horumarineed ee ay ka dhaqan geliyeen degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

“Muqdisho way ka soo kabaneysaa dhibaatooyinkii badnaa ee la soo marey, waxayna u gudubtey marxalad cusub oo ay gacan weyn ka geysteen maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo dhammaantood ah dhalinyaro. Dayactirka dhismahan waxaa uu qeyb ka yahay hawsha wanaagsan ee aan ku ammaanayo gobolka. Waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dhismahan uu ka dhexeeyo Soomaali oo dhan maadaama ay halkani tahay caasimaddii dalka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii dadka hantidooda la haysto dib loogu soo celin lahaa, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka garsoorka ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka uu xoogga saarey hirgelinta mashaariicda dhinacyada horumarinta, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada si loo kaafiyo baahida shacabka ku nool caasimadda iyo goobaha ku dhow.

Waxaa uu intaa ku darey in dhowaan magaalada laga hirgelin doono mashaariic kale oo dhinaca adeegga bulshada la xiriira.

Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigey waxqabadkooda, gaar ahaan mashaariicda horumarinta, isdhexgalka bulshada iyo kuwo kale.

Munaasabaddan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), wasiirro , xildhibaanno, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

ShareTweetShare
Previous Post

Arday dhameysatay dugsiyada sare ee Turkiga oo xaflad loo qabtay-Sawirro

Next Post

Wargelin:- Musharaxiinta gudiyada Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kuwa Xuduudaha

Next Post

Wargelin:- Musharaxiinta gudiyada Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kuwa Xuduudaha

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....