Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Muqdisho kula Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya “Sawirro”

October 1, 2019
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dawladda ingiriiska Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo danjiraha ay wada qaateen ayaa waxa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda UK ee Africa haweyneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, waxaana kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay diiradda lagu saaray siddii Hirshabeelle looga gacansiin lahaa dhinacyada horumarinta iyo ammaanka iyo siddii loo casriyeyn lahaa Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander, iyaggoo ka wada hadlay arrimo la xiriira siddii Hirshabeelle looga fulin lahaa mashaariicyada Sweden oo ay fuliyaan hey’adaha Qaramada Midoobay sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

Kulanka Madaxweyne Waare iyo safiirka Dawladda Sweden Ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehlinayay, U qeysamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Ee Africa Ola Karlman, waxaana arrimihii laga wada hadlay uu safiirka balanqaaday in ay fulinayaan, dhowaana uu booqasho ku tagi doono, si loo kordhiyo mashaariicyada lagu caawinayo Hirshabeelle.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar, Kenya Iyo Bangiga Adduunka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar, Kenya Iyo Bangiga Adduunka

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....