Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntand iyo Wasiirka Waxbarashada DF oo kulmay

March 14, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Khadra Bashiir Cali.

Kulankani oo ahaa mid muhiimad gaara u leh bahda waxbarasha Puntland ayaa intiii uu socday waxaa kamid ahaa qodobada laga wadahadlay tayeynta iyo kor uqaadista waxbarashada Soomaaliya, in la sameeyo xog isdhaafsi iyo booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka wada shaqeyneed ee Wasaaradaha waxbarashada maamulka Puntland iyo tan DF Soomaaliya.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dhinaca kale guddoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed oo qeyb ka ahaa kullanka ayaa Madaxda Puntland ka codsaday in la siiyo dhul ay Jaamacada Ummadu ka dhisato gudaha deegaannada Puntland, arintaasi oo Dr Cabdiweli Gaas uu siweyn u soo dhaweeyey.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyntii Wefdiga ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ee ay hogaaminaysay Wasiir Khadra uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

IMG_0375

IMG_0378
 

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweynaha oo kala diray Golaha Adeegga Garsoorka “Digreeto”

Next Post

Muungaab: “Waddo aan gacanteena ku dhisanay inaan ku socono waa wax weyn” SAWIRRO

Next Post

Muungaab: “Waddo aan gacanteena ku dhisanay inaan ku socono waa wax weyn" SAWIRRO

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....