Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Ethiopia

July 12, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, ayagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia oo ugu qeybgali doono shir caalami ah oo looga hadlayo dhaqaalaha kaas oo maalinta beri ah sida uu qorshuhu yahay ka furmi doona magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya 30 dowladood oo caalamka ka kala socda waxaana soo qaban qaabisay qaramada Midoobay, waxaana looga hadlayaa horumarinta dhaqaalaha aduunka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo Afrika lagu qabto.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diirada looga soori doonaa maalgashiga Afrika kaas oo socon doona 13 -16 bishan Luulyo, waxaana ka qeybgalaya madaxweyniyaal ,wasiiro maaliyadeed iyo ganacsato.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa kamid ah madaxda ka qeybgali doonta shirkan, iyadoo gudoomiyaha xilligan ee midowga Afrika ahna madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe iyo guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma.

Ajendiyaasha shirka ayaa waxaa kamid ah in dowlaha qaaradda Afrika laga horumariyo hanaanka canshuuraha iyo hagaajinta dakhliga gudaha,sameynta maalgashi key saabsan caafimaadka iyo horumarinta beeraha qaaradda Afrika.

Shirkan caalamiga ah oo looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah markii sadexaad oo la qabta waxaana kan kii ka horeeyay lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qatar

ShareTweetShare
Previous Post

Safaarada Soomaaliya ee Qatar oo soo dhaweysay guusha ay soo hoyeen kooxda kubadda cagta ee Jaalliyadda-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....