Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

June 1, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Abuuja ee dalka Nigeria ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu gaaray magaalada Khartuum ee cariga dalka Sudan halkaasi oo madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhaweeyay.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barito ah uu ka qayb galo xaflada caleema saarka madaxweynaha dalkaasi Sudan mudane Cumar Xasan Al bashiir oo xilkaasi ku guuleystay doorashii dhawaan ka dhacday dalkaasi dhowr jeer oo horana isaga ayaa ku guuleystay xilkaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada xukuumadda federaalka ah ee dalka Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Sudan gaaray ayaa waxaa uu ka warbixiyay imaashaha wafdiga ee dalka Sudan isagoo sheegay in inta madaxweynuhu dalkaas joogo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madax kala duwan oo caalamka ka socota.

“Wafdiga madaxweynaha waxaa uu ka qayb gali doonaa caleema saarka madaxweynahaJamhuuriyadda Sudan mudane Cumar Xasan Al bashiir oo ka dhici doonta barito labada bisha Khartuum hadii alle yiraahdo wafdiga inta uu joogo madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkani Sudan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka oo ka soo qayb gasha caleema saarka madaxweynaha haduu ilaahay idmo”ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wadanka Nigeria magaala madaxdiisa Abuuja waxaa uu uga soo qayb galay xaflad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee wadankaasi Maxamuud Buxaari kaasi oo ku guuleystay doorashii dalkaasi ka dhacday waxaana uu madaxweynuhu sidoo kale kulan gaar ah  la qaatay madaxweynaha dalkaasi Nigeria oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

ShareTweetShare
Previous Post

Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....