Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

March 16, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dhawaan dalka Masar uga qeyb galay shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madax kala duwan oo shirka lagu casuumey ayaa ugu horeyn khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaaney Masar dhabbaha ay hayso ee dhinaca qaabeynta mustaqbalka dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inay ka faa’iidi doonaan Waddamada Carabta iyo Qaaradda Afrika.

“Waa muhiim in waddamadeena ay horumariyaan siyaasad qeexan oo lagama maarmaan u ah kobcinta maalgashiga shisheeye iyo kan gudaha, waxayna taasi kaalin muuqata ka qaadaneysaa dhaqaalaha oo kordha. Waxaan dhammaanteen halkan isugu nimid inaan isweydaarsano fikrado la xiriira qaabka aan himiladaasi ku gaaro karno iyo inaan ka sii taxaddarno caqabadaha naga hor imaan kara iyo sida looga gudbi karo’’ ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa uu khudbad ka jeediyay shirkaasi ku saabsanaa dhaqaalaha Masar, isagoo sidoo kale kulamo la qaatey Madaxweynaha Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo wufuud kale.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali, ayaa iyaguna waxay kulamo muhiim ah la qaateen wasiiro iyo madaxda shirkado caalami ah,iyagoo ka wadahadley horumarinta iyo maalgashiga Soomaaliya.

ShareTweetShare
Previous Post

Howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Luuq

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....