Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

April 21, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Maxkamadda dambiyada ee dalka Masar ayaa ku  labaatan sano oo xabsi ah ku xukuntay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamed Mursi iyo xubno kale oo ka tirsanaa xisbiga Xorriyadda iyo Cadaaladda ee dalka Masar.

Sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay  Mursi in 5 sano ay boolisku kormeer ku hayaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Xukunkani maxkamaddu ku ridday Mursi waxa uu ku saabsan yahay dacwad la xiriirtay dad  ku dhintay rabshado iyo mudaaharaadyo ka dhacay bannaanka madaxtooyada Masar ee Qaahira, xilligii uu talada hayay madaxweyne Mursi.

Maxkamaddu waxay sidoo kale 20 sano oo xabsi adag ah ku ridday labo hoggaamiye oo ka tirsan Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin kuwaas oo kala ah Muxammed Albeltaaji iyo Cisaam Alciryaan, kuwaas oo maxkamaddu sheegtay in ay rabshado abaabuleen.

Madaxweyne Mursi, waxaa  sidoo kale uu sugayaa afar dacwadood oo kale, kuwaas oo la filayo in ay labo ka mid ah  makamaddu go’aan ka soo saarto 16 May.

Eedeymaha loo haysto madaxweyne Mursi waxaa ka mid ah in uu sir wadaagay kooxaha Xamaas iyo Xisbullaah iyo dacwad kale oo ku saabsan xabsiyo loo dhacay oo laga sii daayay maxaabiis , maalmo yar ka dib markii la riday maamulkii Xusni Mubaarak.

Markii la riday nidaamkii Mubaarak, Mursi waxa uu ku jiray xabsi, kaas oo uu ka soo baxsaday markii ay dad careysani  xoog ku soo galeen, oo ay maxaabiistii oo dhan oodda ka qaadeen.

Mursi, waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii badnaa ee  jeelasha ka soo baxay xilligaas, kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsan yahay ayaana lagu eedeeyay in ay xabsiyada jabiyeen.

Saddexdii Bishii July sanadkii 2013, ayay  milaterigu xukunka ka tuureen Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo so doorto dalka Masar.

Waxa uu talada hayay hal sano oo kaliya.

Talada waxaa kala wareegay wasiirkiisii gaashaan dhigga  Cabdulfataax Alsiisi, oo ka dibna noqday madaxweynaha Masar.

Masar wixii ka dambeeyay markii talada laga tuuray Maxamed Mursi,waxaa ka jira degganaansho la’aan siyaasadeed iyo ammaan.

Waxaa si joogto ah uga dhaca  qaraxyo, dibax baxyo rabshado wata iyo dagaallo ay milaterigu la galaan kooxo ku xiran ururka Daacish oo ka dagaallama gobolka Siinaa.

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Cadaado kula shiraya qeybaha bulshada

Next Post

DEG DEG: Qarax lala eegtay maqaayad ku taalla Muqdisho

Next Post

DEG DEG: Qarax lala eegtay maqaayad ku taalla Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....