Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo baarlamaanka ka codsaday ansixinta Golaha Wasiirada cusub

January 30, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Mogadishu, 30 January 2015 – Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Raiisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay Dumar yihiin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, isla markaana la xoojiyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka ee ay dowladda hiigsaneyso iyo ajandaha ku saabsan doorashada bisha September ee 2016-ka laga hirgelinayo guud ahaan dalka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “ Si loo gaaro talaabooyinka ay hiigsaneyso dowladda, isla markaana looga fogaado waxkasta oo dib u dhac u keeni kara Xukuumadda, Midowga Afrika waxa uu ku boorinayaa hay’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya in uu codka kalsoonida ah siiyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya, si ay u dar dargeliyaan howlaha horyaalla oo ay ugu muhiimsanyiiin xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka iyo xasilinta goobaha laga xoreeyay maleesiyada Al-Shabaab”

“Midowga Afrika waxa uu sii wadayaa taageerada uu siinayo shacabka Soomaaliyeed, la shaqeynta hay’adaha dowladda, ka qeyb qaadashada xasilinta iyo dib u dhiska dalka” ayaa lagu soo gabo gabeeyay War-saxaafadeedka.

ShareTweetShare
Previous Post

Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Next Post

Bayern Munich oo Sanadka Cusub Guul Darro Ku Bilowday Horyaalka Jarmalka

Next Post

Bayern Munich oo Sanadka Cusub Guul Darro Ku Bilowday Horyaalka Jarmalka

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....