Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VIDEO”

December 20, 2014
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Munaasabad lagu maamuusayay xiritaanka dugsiga agoonta Rajo ee sanad dugsiyeedka 2013/2014 ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsigaasi oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Xafladda xiritaanka dugsiga agoonta Rajo ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid  Cismaan Caddaawe, gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka ee degmada Yaaqshiid, culumaa’udiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Maamulka Iskuulka agoonta Rajo Marwo Xaawo Maxamuud oo ugu horeyn xafladda ka hadashay ayaa ka warbixisay xaaladda guud ee iskuulka, iyadoo intaa ku dartay in dugsiga ay wax ka bartaan in ka badan 200 arday agoon ah, kuwaasoo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab oo halkaasi ka hadashay ayaa ammaan iyo bogaadin usoo jeedisay ururka Rajo oo fadhigiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norwey,  kaasoo  aas aasay iskuulkan, waxeyna ku boorrisay jaaliyadaha Soomaaliyeed iney caawiyaan dugsiga agoonta Rajo.

Marwo Jawaahir Baarqab ayaa ku cel celisay ahmiyadda ay leedahay waxbaridda iyo daryeelka caruurta agoonta ah, waxeyna intaa ku dartay iney mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa dowladda ay gaarsiin doonto xaaladda dugsiga Rajo si loo caawiyo.

Guddoomiyha degmada Yaaqshiid Cismaan Caddaawe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay muwaadiniinta ururka Rajo garashadooda wanaagsan oo ay ku daryeelayaan agoonta ku tabaaleeysan degmada Yaaqshiid, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada, jaaliyadaha iyo dadka wax heysta ineey gacan ka geystaan horumarinta dugsiga agoonta Rajo.

Ururka Rajo oo fadhigiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norwey ayna ku mideysanyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo muxsiniin ah, ayaa Laba sano ka hor  degmada Yaaqshiid dugsiga agoonta, waxaana iminka wax ka barta in ka badan 200 oo arday agoon ah.

vlcsnap-2014-12-20-15h28m24s0 vlcsnap-2014-12-20-15h28m39s197 vlcsnap-2014-12-20-15h28m50s52 vlcsnap-2014-12-20-15h29m03s176 vlcsnap-2014-12-20-15h29m14s48 vlcsnap-2014-12-20-15h29m28s176 vlcsnap-2014-12-20-15h29m39s28 vlcsnap-2014-12-20-15h34m52s86 vlcsnap-2014-12-20-15h35m49s152 vlcsnap-2014-12-20-15h36m09s100 vlcsnap-2014-12-20-15h37m16s6 vlcsnap-2014-12-20-15h38m33s9 vlcsnap-2014-12-20-15h42m13s139

 

ShareTweetShare
Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Next Post

Soomaaliya oo laga caawin doono xagga dib u dhiska

Next Post

Soomaaliya oo laga caawin doono xagga dib u dhiska

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....