Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu  taageerayey wasiirka Gaashaandhigga cusub

February 12, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Munaasibad lagu soo dhoweynayey wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen siyaasiin iyo bulshada rayidka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasibaddan lagu soo dhoweynayey wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda F. Soomaaliya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa waxaa ku sugnaa wasiirro, xildhibaanno, odayaal dhaqmeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Horraanta munaasibadda ayaa waxaa hadallo lagu muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin shaqada loo igdamay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ka jeediyey hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo masuuliyiintii ka soo qeyb-galay, kulankaasi waxa ayna sheegeen in ay taageero dhinac walba la garab taagan yihiin wasiirka cusub, isla markaana ay ALLE iga baryayaan in uu la garan-galo howsha Culus ee loo dhiibay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda F Somaailiya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa uga mahadceliyey bulshada Soomaaiyeed teerada ay siiyeen dhammaan golaha wasiirrada, taasoo uu ku tilmaamay in ay bilow u tahay waxqabadka Xukuumadda guud ahaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu wasiirka Gaashaandhigga ugu baaqay in ay xoojiyaan taageerada ku aaddan soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya oo buuxda.

Munaasibadda, ayaa ku dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya uu ballan-qaaday in shacabkiisu uu u furan yahay albaabada  xafiiskiisa, si uu u dhageysto tallooyinka bulshada ee muhiimka ah.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....