Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muran u dhexeeyay Shaqaalaha iyo Cisbitaalka Deva oo xal laga gaaray

December 26, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

kulankan oo u jeedkiisu ahaa xal u helida muran soo dhex galay shaqaalaha iyo maamulka Cisbitaalka ay maamulaan Dhakhaatiir u dhashay dalka Turkiga ee Deva oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha guddiga xiriirka Barlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan C/qaadir Macalim Nuur, Saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliya, Maamulka  Hodan iyo Shaqaalaha iyo maamulka Cisbitaalka Deva.

Sababta keentay muranka ayaa la sheegay markii mid kamid ah Dhakhaatiirka ku dhashay Turkiga kana howlgala Cisbitaalka Deva gaar ahaan qeybta Farmashiyaha uu xilli habeenka is maan dhaafeen  kadibna uu u gacan qaaday mid kamid ah gabdhaha Kaalkaaliyeyaasha ah oo Soomaali ah isla markaana kamid ah shaqaalaha Cisbitaalka Deva ee Muqdisho.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dhamaan sahqaalaha Soomaalida ah oo ka howlgala Cisbtaalkaasi ayaa cabasho ay arintaas ka qabaan shaqo joojin sameeyay,maamulka Cisbitaalka ayaa go’aamiyay in ninkii gabadha u gacan qaaday shaqada laga joojiyo,hase yeeshee gabadhii loo gacan qaaday ayaa cafisay sidaas ayaana maanta lagu xaliyay murankaasi sida gudoomiyaha degmada Hodan C/qaadir Cali Kulane ayaa saxaafadda u sheegay isagoo kamid ahaa mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay.

Cisbtaalka Deva ee magaalada Muqdisho oo howlihiisa shaqo ay hakad ku yimid ayaa maanta dib howlihiisa  u bilaabay kadib markii xal loo helay khilaafkii sababay shaqada Cisbitalka ay istaagto.

Guddoomiyaha guddiga xiriirka Barlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan C/qaadir Macalim Nuur ugu dambeyntii kulankaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha Cisbitaalka Deva kula dardaarmay in ay shaqadooda sii wadaan isla markaana ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waa markii ugu horeysay oo muran noocaan  uu soo shaac baxo kaas oo u dhexeeya shaqaalaha Soomaalida iyo kuwo Turkiga ee shaqooyinka kala duwan ka hayo magaalada Muqdisho, xilli caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku yaalaan Cisbitaalo,goobo waxbarasho iyo goobo kale oo muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan muwaadiniin u dhashay Turkiga isla markaana ay ka shaqeeyaan boqolaal shaqaale Soomaali ah.

ShareTweetShare
Previous Post

R.W Sharma’arke: “Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday Xerada AMISOM”

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....