Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharaxiinta u taagan madaxweynaha Galmudug oo maanta Baarlamanaka ka hor hadlay

July 2, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Hoolka uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud ee magaalada cadaado ayaa waxaa maanta si arasmi ah uga bilowday khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne_nimo ee maamul goboleedka Galmudug iyo xilka madaxweyne ku xigeenka.
Musharaxiinta ayaa halkaasi kusoo bandhigay waxyaabaha ay qaban doonaan hadii loo doorto madaxweynaha dowlad_goboleedka Galmudug iyo ballan qaadyadooda ku aadan horumarinta deegaanka hadii loo doorto iyadoo mid weliba uu soo bandhigay khudbad uu ku cabirayo sida uu wax uga qaban karo hadii loo doorto madaxweynaha maamulka labada gobol ee Mudug iyo Galguduud.
Inkabdan 12 musharax ayaa maanta xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ka hor jeediyay khudbadahooda musharaxnimo iyadoo 6 musharax ay u tartameyso xilka madaxweynenimo halka 6 kalena ay u tartamayaan kuxigeenka amdaxweynaha maamulka Galmudug.
Maalinta sabtida ah ee soo socota ayaa waxaa magaalada Cadaado ka dhici doona doorashada madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Galmudug taasoo ay xubnaha Baarlamanku ugu codeyn doonaan mas,uulka noqonaya madaxweynaha GALMUDUG.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Cadaado ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar garowga doorashada madaxweynaha Galmudug iyadoo habka loo marayo dhisida maamulkana ay amaaneen siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

ShareTweetShare
Previous Post

Ku_xigeenka Ra’isulwasaaraha iyo safiiro ka qeybgalay maalinta agoonta Islaamka

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radiomuqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....