Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ka soo carary Yemen oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso “Sawirro”

June 14, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 4 mins read
0

Markabkan oo sida 2,105 ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ka soo qaaday Dekedda Mukalla ee Waddanka Yemen, iyadoo Ganacsade Soomaaliyeed uu ugu deeqay in lagu soo daad-gureyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalkaasi.

Qoxootigan ayaa u badnaa caruur iyo haween, Waxaana ku jiray Dad Xanuunsan oo markii lasoo dayiyay loo qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, Dhanka kale Dekedda waxaa ku sugnaa xilligaas Hay’ado iyo Shirkado Maxalli ah oo dadkan Qoxootiga ah u Qaybinayay Raashin iyo biyo.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dadkan Qaarkood oo Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay in ay Dhibaatooyin aad u daran ka jiraan Yemen, kuwaasoo ay ka mid yihiin cunno la’aan, biyo la’aan, dagaallo iyo weliba kuleyl aad u daran.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo soo dhoweeyey dadkaasi ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhado:

“Soo dhawaynta qadarinta iyo Daryelka Muwadininta Soomaaliyed waa mid aan maanta u joojinay hawlihi ka socday Dekadda, haday ahaan lahayd waxa kaso dagaya ama waxa ka dhofaya, waxaanu u diyaarinay goobo muhim ah, waxAanu daryeeleynaa Nolosha qoysaska kaso qaxaya Yemen ee so garaya Boosaaso”.

Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa isna ka hadlaya sida ay ugu diyaar garoobeen ka maamul ahaan dadkani maanta la keenay Boosaaso

“Markabkani waxa u ka baxay Muqdisho, anaguna Dawlada Dhexe wax xirir ah nalama aysan so samayn waxa la ii sheegay 24 saac ka hor, inuu key soo wajahan yahay Dekada Boosaso, wanu so dhawaynay Shacbka Soomaaliyeed, waxa ay yimaden Dalkoodi, waxaana la dajin doonaa goobo aanu ugu tala galnay dadka soo garay Boosaaso ee ka soo cararaya dagaalada ka socda  Yemen”.

2015613635697805020866860IMG_8872 2015613635697805180625712IMG_8870 2015613635697805318838783IMG_8871 2015613635697805414802688IMG_8875 (1) 2015613635697805414802688IMG_8875 2015613635697805616440002IMG_8876 (1) 2015613635697805616440002IMG_8876 2015613635697805772901080IMG_8882 (1) 2015613635697805772901080IMG_8882 2015613635697805957180602IMG_8886 (1) 2015613635697805957180602IMG_8886 2015613635697806105074283IMG_8909 2015613635697806257120122IMG_8890 2015613635697806550189709IMG_8914 2015613635697806693883848IMG_8905 2015613635697807033720264IMG_8919 2015613635697807190386552IMG_8924 (1) 2015613635697807190386552IMG_8924 2015613635697807313044090IMG_8933 2015613635697807403852449IMG_8940 2015613635697807551309510IMG_8941 2015613635697807684987559IMG_8953 2015613635697807818825224IMG_88991 2015613635697807970514633IMG_8951 2015613635697808087406803IMG_89181

 

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweyne Xasan oo u amba baxay dalka Koonfur Afrika

Next Post

Wasiirka Xanaanada xoolaha oo sheegay in heshiis dhanka suuq geynta xoolaha uu la galay Masar

Next Post

Wasiirka Xanaanada xoolaha oo sheegay in heshiis dhanka suuq geynta xoolaha uu la galay Masar

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....