Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nikolas Kay oo dowladda ku ammaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada Siyaadda iyo amniga

May 20, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas kay ayaa  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbxiyay xaalada Soomaaliya kaddib kulan goluhu uu ku yeeshey magaalada New York ee xarunta Q.M.  Ergeyga gaarka ah ee QM Soomaaliya ayaa golaha u faah faahiyay marxaladda uu haatan dalka Soomalaiya marayo, yoolka la hiigsanayo iyo waxyaabaha la wajahayo, waxaana kamid mid ah meelaha uu diiradda saaray  horumarka laga gaaray siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka, dib u eegista dastuurka, doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016, dhismaha maamul goboleedyada, iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaliland, gaar ahaan waqtiga la iclaamiayay in doorashadu ay dhacdo lagu daray baahiyaha loo qabo taageerada laga doonayo beesha caalamka.

Mr Kay ayaa ku ammaanay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya in ay guulo ka gaartay horumaro badan, ayadoo ay jireen caqabado sida uu sheegey mar uu tusaale ahaan u soo qaatay 25 sano kadib meesha lamarayo, laakiinse wuxuu xusay in hadafka ugu weyn uu yahay in mudo kordhin aysan jiridoonaan, rajana uu ka qabo in dalka la gaarsiiyo doorasho ay ka qeyb qaataan mushatanmaca Soomaaliyeed.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Intii lagu guda jiray warbixintiisa uu siinayaay golaha ammanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa wuxuu soo hadal qaaday dadaalka madaxda dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan dhamaystirka howlaha lagu gaari karo hiigsiga 2016ka wuxuuna sigaar ah u soo hadal qaaday dib u eegista dastuurka oo weli howsheedi socoto maadaama uu dastuurku udub dhexaad u yahay nidaamka dowladnimo ee dalka kajira iyo qabsoomida doorasho.

Arrimaha maamul goboleedyada, Danjire Nikolas Kay ayaa yiri” QM waxaa ay si dhow ula shaqeynaysaa Midowga Yurub, Midowga Africa, urur goboleedka IGAD si Soomaaliya looga hirgeliyo nidaamka Federaalka ah, gaar ahaan dhismaha mamaul goboleedyada dalka oo laga qeyb geliyo haweenka, dhallinyarada  iyo bulshada inteedi kale, taasina waa arin muhiim ah QM way la socondoonaataa inta howlahaasi laga miradhalinayo”

Mar uu ka soo hadal qaaday dhaqaalaha dalka ayuu sheegey in tallaabooyin horumaro ah ay jiraan gaar ahaan hanaanka maaliyadeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya sidoo kalena barnaamijka New Deal ayuu ku sheegey in wax badan ka kaabidoono Soomaaliya.

Nikolas kay ayaa sheegey in dhinaca beni’aadanimada marka la fiiriyo xaalada ay tahay mid weli liidata, wuxuuna ku celceliyaya qoxootiga ka soo cararaya dagaalada dalka Yemen ka socda iyo baahiyaha loo qabo in dadkaasi daryeel loo fidiyo, howlaha gaar kaalmooyinkii loogu talagay weli sidii larabay uma imaanina, caqabadaha jira waxaa kamid ah dhibaatooyinka xawaaladaha ka haysata Soomaalida, roob yari iyo daruufo kale oo isbahaysta.

Geesta kale Maman Sidiku oo ha ergayga gaar ak ee Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa isna xusay in howlgalka Midowga Africa uu sii socon doono ilaa 2016 ay ammaan ku soo dabaalaan Soomaaliya, isagoo xusay in QM looga fadhiyo in wixii xiligaasi ka dambeyeye ay qorshe cad la yimaadaan.

Mr Sidiku ayaa ku dheeraaday guulihii Militeri oo ay soo hooyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa Midowga Africa.

Waxaa diyaariyay Cali C/qaadir Cali

ShareTweetShare
Previous Post

Howlgallo lagu soo qabtay maleeshiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin UGUS “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska oo maanta u safray dalka Djibouti

Next Post

Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska oo maanta u safray dalka Djibouti

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....