Thursday, August 18, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ”SAWIRRO”

March 9, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Addis Ababa, Isniin, 9 March 2015 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, Mudane Axmed Cabdisalaan, Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, Marwo Khadija Al-Maqsumi, Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Lataliyayaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dawladda Ethiopia sida ay gacan uga gaysato xasiloonida Soomaaliya, waxa uuna ka warbixiyay dadaalka ay dawladdu ugu jirto xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha dawladda si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Adeegyada Bulshada ee muhiimka ah, isagoo ka hadlay arrimaha ay kamid yihiin dhismaha Maamuladda Gobolada, aas-aaska guddiyada laf-dhabarka u ah hiigisiga 2016, dhamaystirka sharciyada, la-dagaalanka argagixisada iyo dardar-galinta dhismaha ciidanka iyo tababarkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid oo la hadlay saxaafadda kadib kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  waxaa yiri:

“Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada nagala dhexeeya dawladaha aan dariska nahay oo Ethiopia ay kamid tahay ee siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya waxaa ay ku socotaa wadadii dib-u-kabashada iyo dhismaha dawlad dib-u-soo celisa kala danbayntii iyo adeegyadii bulshada, waxaan uga mahad celinayaa dawladaha aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Ethiopia ay kamid tahay sida ay noogu garab taagan yihiin dadaaladaasi aan wadno ee xasiloonida dalka iyo qorsha hiigsiga 2016.

“Booqashadan rasmiga ah waxaa ay qayb ka tahay socdaalo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga aan la wadaagno dalalkaasi, kana qayb qaataan in aan gaarsiino dalka Soomaaliya, xasilooni, dib-u-dhis iyo horumar la taaban karo iyo in dadka Soomaaliyeed ay ku midoobaan, uguna istaagaan sidii mar kale ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa marka uu soo gaba-gabeeyo booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Ethiopia waxaa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagi doonaa dalka aynu walaalaha nahay ee Djibouti.

DF7B4176000 DF7B4184000 DF7B4204000 DF7B4211000 unnamed

ShareTweetShare
Previous Post

Ku dhawaad 40 askari oo loo soo Tababaray ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Galkacyo Gaaray ”Sawirro”

Next Post

Arsenal oo Koobka FA Cup-ka ka Reebtay Kooxda Manchester United ”SAWIRRO”

Next Post

Arsenal oo Koobka FA Cup-ka ka Reebtay Kooxda Manchester United ”SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....